FBI-da oo xirtay Nin kashifay dukumentiyo sirdoon oo laxiriira qorshaha weerar Israel ee Iran

Image

WASHINGTON - Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay nin lagu eedeeyay inuu faafiyay dukumintiyo sirdoonka Mareykanka hayay oo ku saabsan qorshaha Israel ee weerarka aargoosiga Iran, sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamadda iyo qof la socda kiiska.

Asif W. Rahman ayaa khamiistii lasoo dhaafay lagu soo oogay dacwad ah inuu si bareer ah u dusiyay xogta qaranka, sida ku cad warqadaha maxkamada. Waxaa lagu xiray Talaadadii gudaha Cambodia wuxuuna marka hore ka soo muuqan doonaa maxkamad ku taal Guam, in kasta oo waaxdu ay ka codsatay in la geeyo Virginia si loogu maxkamadeeyo.

Rahman waxa u shaqayn jiray CIA, sida uu sheegay qof shaqadiisa yaqaan. Dukumentiyada maxkamada ayaa tilmaamaya in ninkan uu u shaqaynayay dawladda Maraykanka.

Rahman waxa uu haystay oggolaansho uu heli karo macluumaadka xasaasiga ah ee CIA-da. New York Times ayaa markii ugu horreysay soo warisay eedda Rahman.

Dukumeentiyada waxa lagu baahiyay akoon Telegram bishii Oktoobar. Waxaana ay sababtay inay Mareykanka iyo Israel bedelaan qorshaha weerarka Iran.

Mid ka mid ah dukumeentiyada ayaa sidoo kale soo bandhigay wax ay Israa'iil had iyo jeer qarin jirtay oo ah haysato hubka nukliyeerka. Dukumentiga ayaa sheegaya in Maraykanku aanu arkin wax calaamado ah oo muujinaya in Israa'iil ay qorsheynayso inay hubka Nukliyeerka u isticmaasho Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM