France: Dad ku dhintey toogasho ka dhacay bartamaha Paris

Image
Eedeysanaha oo 69 jir ah ayaa si degdeg ah loo xiray, waxaana durba soo baxday in xabsiga laga sii daayay dhawaan.

PARIS, Faransiiska - Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay dad joogay bartamaha magaalada caasimada ah ee Paris, halkaasi oo uu ku dilay saddex qof, saddex kalena dhaawacay.

Dableyga weerarka geystay ayaa beegsaday xarun ay leeyihiin Kurdiyiinta, waxaana uu toogtay xubno ka tirsan bulshada deegaanka. Ujeedo cunsurinimo oo suurtagal ah ayaa la baarayaa.

Eedeysanaha oo 69 jir ah ayaa si degdeg ah loo xiray, waxaana durba soo baxday in xabsiga laga sii daayay dhawaan, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Kadib toogashadda dhimashada sababtey, iska horimaadka ayaa markii dambe wuxuu dhex maray ciidamada booliska iyo koox ku soo xoomay goobta uu weerarku ka dhacay.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii nin ay ku sheegeen dad goob joogayaal ah inuu ahaa mid dheer, cadaan iyo waayeel ah, uu toogasho ku dilay labo nin iyo haweeney aagga Rue d'Enghien oo ku taal xaafada 10-aad ee magaalada Paris.

Ma jirto sabab la xaqiijiyay oo keentey toogashada, balse dacwad oogaha Paris, Laure Beccuau, ayaa tibaaxdey in tuhmanaha horay loogu soo eedeeyay rabshado isir nacayb ah.

Dhacdadaas - oo uu seef ku weeraray teendhooyin ku yaal xero muhaajiriin ah oo ku taal Paris - waxay ka dhacday Bercy 8 Diseembar 2021. Ma cadda sababta dhawaan loo sii daayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM