France: Hogaamiyaha xisbiga Midigta fog oo is-casilaysa

Image

Waxaa dalka Faransiiska ka socda loollanka loogu jiro jagada Madaxweynaha oo hadda ay isugu soo hareen labada murashax oo kaliya kuwaasoo loollan kale gali doona laba todobaadka kadib.

Mid kamid ah murashaxiintaas ayaa ka tirsan xisbiga Midigta fogta ee National Front, waana haweenayda lagu magacaabo Marine Le Pen.

Le Pen ayaa waxa ay tartan adag la gali doontaa Emmanuel Macron iyaga oo isku wajihi doona wareegga labaad ee doorashda waddankaas.

Waraysi ay siisay talefishinka Farance 2 waxay ku sheegtay inay sheegtay inay ka dagayso xilka hogaamiyaha xisbiga Midigta fog si  aysan u noqon  mid dhinac u janjeerta.

"Sidaasi daraadeed, caawa laga bilaabo ma ahi madaxwaynaha xisbiga National Front, waxaana ahay musharaxa madaxwaynanimada Faransiiska," Ayay tiri Le Pen.

Xilka ka dagisteed ayay ku macnaysan mid ay ku doonayso midaynta dadka waddankaas oo ay xustay inay wajahayaan xaalad adag oo u baahan isku duubni.

Murashaxa Le Pen ayaa  go'aankeeda ku sifaysay mid ku qotomo fikirka ah in madaxweynahu uu isu keeno dhammaan dadka Faransiiska ah.

Balse dadka qaar ayaa aaminsan in arrintan tahay tallaabo ay hogaamiyahan u qaaday si KMG ah.

Ra'yi uruurinada ayaa muujinaya in Macron uu yahay mid ku guulaysan kara wareegga labaad ee doorashada balse Le Pen ayaa tiri "waan guulaysan karnaa,waana guulaysanaynaa"

Balse Murashaxiinta kala ah; Marine Le Pen iyo Emmanuel Macron ayaa la kala ogaan doonaa laba asbuuc kadib midka waddankaas hogaamin doona.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM