Waa kuma wakiilka AU-da ee laga eryay Soomaaliya?

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa diblumaasigan reer Mozambique waxay ku eedeysay "ficilo ka baxsan shaqadiisa".

MUQDISHO, Soomaaliya – Amassador Francisco Caetano Madeira oo Oktoobar sannadkii 2015, loo soo magacaabay ergayga gaarka ah ee gudoomiyaha midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM ayaa ku dhashay Beira dalka Mozambique April 4,1954.

Mandeira ayaa shahaadada Diploma ka haystaa xiriirka Caalamiga ah isagoo ka qaatey the Center for Foreign Relations ee Dar-es-Salaam, Tanzania, Waxaa kaloo Jaamacadda koobaad ka helay University of Eduardo Mondlane ee magaalada Maputo, Mozambique.

Francisco Madeira waxaa uu dalkiisa safiir uga noqday dalal badan oo Afrikaan ah Mudadii u dhaxeysay 1984 ilaa 1989, waxaa kaloo Lataliye u ahaa Madaxtooyada Mozambique.

Madeira ayaa madax u ahaa Waftidigii Mozambique ee ka qeyb galay Wada Hadalladii ay la galeen RENAMO kaas oo horseeday heshiiskii August 1992 Rome General Peace.

Francisco waxaa dalka Mozambique ka soo qabtay jago wasiirnimo inta u dhaxeysay 1995 ilaa 1999 isagoo noqday Arimaha Baarlamaanka. 2000-2010: waxaa uu ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Madaxtooyada, isagoo qeyb ka ahaa Wada hadallo badan oo Diplomaasiyadeed.

Waxaa kale oo uu soo noqday ergeyga gaarka ah ee dowladiisa u qaabilsanaa Wada hadaladdii Harada loo yaqaano Great Lakes Region. Waxaa uu xubin ka noqday Wada hadalddii Burundi ee Caruusha ee kooxda Julius Nyerere iyo Nelson Mandela inta u dhaxeysay (1997 – 2000).

Ku milanka siyaasadda Soomaaliya

Amassador Francisco Caetano Madeira ayaa noqday Ergeyga gaar ah ee Madaxweynaha Mozambique Joachim Chissano  inta uu ahaa Guddoomiyaha AU dalka Sao Tome and Principe.

2003 waxaa uu qeyb ka ahaa dadkii dhex dhexaadinayey dowladda Suudaan iyo Mucaaradka LRA, 1999-2010 waxaa uu ahaa Ergeyga Midowga Afrika ee Jaziiradda, Waxaa kaloo uu inta u dhaxeysay January 2005 ilaa  January 2010 ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka dalkiisa.

Sanadkii 2010,  Ambassador Madeira waxa uu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan La-dagaalanka Argagaxisada iyo Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista iyo la dagaalanka  Argagixisadda ee fadhigeedu yahay Aljeeriya (ACSRT) Arrinta Ciidanka iska caabinta Lord (LRA), laga bilaabo Noofambar 2011 ilaa Luulyo 2014.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Midowga Afrika (AU), Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa 7 October 2015, u magacawday Danjire Francisco Caetano Jose Madeira, ergaygeeda gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Mandera ayaa xilligaas bedelay Ambassador Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger.

Ugu dambaytii, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dublumaasigaan ka cayriyay Soomaaliya isaga oo noqonaya sarkaalkii labaad ee ka tirsan Midowga Afrika ee ay dawladda Soomaaliya dalka ka cayriso.

Bishii November ee 2021 markii dalka laga eryey ku-xigeenkii ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, Simon Mulongo. Maamulka Farmaajo waxaa la sheegay in uu si ba'an u aqoonsadey mowqifka dhexdhexaadnimada ee diblumaasigan uu sida joogtada ah ugu ololeynaayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM