Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha
WASHINGTON - Muran ayaa soo ifbaxay todobaadkan oo ku saabsan guurka Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo Xaaskiisa Michelle Obama oo la sheegay inuu ku dhow yahay inuu burburo.
Lamaanahan oo muddo dheer loo aqoonsanaa astaan jacayl, iskaashi, iyo adkeysi, ayaa haatan wajahaya hadal-heyn ku saabsan in guurkooda oo jiray 31 sano uu khatar ku jiro.
Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.
Michelle Obama si weyn ayaa looga dareemay inaanay ka qaybgelin aaska heer qaran ee Madaxweynihii hore ee Jimmy Carter 9-kii Janaayo 2025, halkaasoo Barack Obama uu ka soo muuqday isagoo ay weheliyaan madaxweynayaal hore iyo xaaskooda.
Maqnaanshahaasi waxay dhalisay shaki ku saabsan nolosha gaarka ah ee Michelle iyo xaaladda guurkooda, maadaama aysan caadi ahaan ku maqnaan munaasabado caynkan ah.
Si la mid ah, xafiiska Barack iyo Michelle Obama ayaa xaqiijiyay in Michelle aysan ka soo qaybgelin doonin caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay Donald Trump 20-ka Janaayo 2025. Caadiyan, xaasaska hore ee madaxweynayaasha ayaa ka qayb qaata xafladahan, taasoo ka dhigaysa go’aanka Michelle mid si gaar ah loo dareemayo.
In kasta oo xafiisku uu sababta maqnaanshaheeda ku sheegay 'arrimo shaqsiyadeed,' hadana baraha bulshada ayaa si dhaqso leh ula xiriiriyay wararka sheegaya khilaaf dhinaca guurka ah.
Lamaanahan, oo si furan uga hadlay caqabadaha guurkooda, ayaa waxaa si gaar ah looga bartay Michelle in ay ka sheekeyso dhibaatooyinkii ay wajahday buuggeeda xasuus-qorka ah ee "Becoming" iyo wareysiyo kale oo ay bixisay.
Obama iyo xaaskiisa weli si rasmi ah ugama hadlin wararkan, iyagoo doorbidaya in sida caadiga ah ka taxadaraan noloshooda gaarka ah inay banaanka soo dhigaan. Ilaa ay ka hadlayaan, hadal-heynta waxay ahaanaysaa kaliya mala-awaal.
GAROWE ONLINE