Gabadh uu dhalay nin halyeey ah oo dacweysay Maraykanka

Image
Hay’adaha dacwadda lagu soo oogay ayaa kala ah CIA, FBI iyo Laanta Booliiska New York ee NYPD loo garan ogyahay.

WASHINGTON, USA - Gabadh uu dhalay halyaygii dadka Madoow Malcom X ayaa dacwad kusoo oogtay seddex ka mid ah hay’adaha amniga Maraykanka iyada oo ku eedeynaysa in ay door ku lahaayeen dilkii aabaheed oo dhacay sanaddii 1965-tii, xilligaas oo uu si weyn ugu ololeynayay xuquuqda dadka madoow.

Gabadhan oo lagu magacaabo Ilyasah Shabazz ayaa kaashanaysa garyaqaanka xuquuqda aadanaha ee Ben Crump, waxayna dalbanayaan in dowladda Maraykanka ay bixiso magdhow dhan $100 milyan oo doolar, sida ay shir kjaraa’id ka sheegeen.

Hay’adaha dacwadda lagu soo oogay ayaa kala ah CIA, FBI iyo Laanta Booliiska New York ee NYPD loo garan ogyahay.

Gabadhan oo ay illini ka qubanayso ayaa tiri "Muddo sanooyin ah qoyskeena waxa uu u halgamayay in runta dilka banaanka timaado, waxaanan rajaynayaan in aabaheen uu helo caddaalada uu mudanyahay".

Shabazz oo ay dhinaceeda joogeen qareeno iyo xubnaha qoyskeeda ayaa waxay intaas ku dartay in dacwadani ay ka jawaabi doonto su’aalo aanan horey looga jawaabin.

Dilalkii dhacay lixdanaadkii ee hoggaamiyeyaasha madoowga ayaa si weyn loogu tuhmaa in ay ka dambeeyeen hay’adaha amniga ee Maraykanka sida FBI-da.

Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii sanadkii hore la siidaayay labo nin oo loo xukumay dilka Malcom X, islamarkaasina la siiyay min $36 milyan doolar oo looga magdhabayo in dambi aysan galin ay xabsi u muteysteen.

Garyaqaanka ayaa ku doodaya in dowladda ay qarisay caddaymo muhiim u ahaa kiiska, sidaasina ku qaadanayso eedda ah kaalintii ay ku lahayd dilka. Wuxuu qorsheynayaa in uu waraysi la duubayo la yeesho saraakiil dowladda ka tirsan.

Malcom X ayaa afhayeen u noqday dhaqdhaqaaqii Nation of Islam oo ahaa urur dad muslimiinta ay leeyihiin oo u doodayay xuquuqda dadka Madoow ee Maraykanka.

Balse 1964-tii ayay kala aragti duwanaadeen madaxdii Nation of Islam iyo Malcom X, taas oo horseedday in hanjabaado khaarijin ah. Talmadge Hayer oo ka tirsanaa Nation of Islam ayaa maxkamad ka hor qirtay in uu isaga ku lug lahaa dilka Malcom X, hawshana ay la fuliyeen xubno kale oo ururkaasi kawada tirsanaayeen. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM