Gabadha boqorka Thailand oo isbitaal la dhigay markii ay suuxdey

Image
Amiirad Bajrakitiyabha oo 44-sano jir ah ayaa loo arkaa qofka badali doona aabaheeda.

BANGKOK, Thailand - Gabadha ugu weyn boqorka Thailand ayaa xanuun dhanka wadnaha ah kusoo boodey fiidnimadii Arbacada, sida uu sheegay qasriga boqortooyada waddankaas.

Amiirad Bajrakitiyabha, oo ah gabadha ugu weyn Boqorka Vajiralongkorn, ayaa suuxdey xilli ay eygeeda ku tababaraysay waqooyi-bari ee Bangkok, sida uu sheegay qasriga.

Haweeneydan oo 44 jir ah ayaa loo qaaday isbitaal u dhowaa, ka dibna diyaarad helicopter ah ayaa lagu geeyay magaala madaxda Bangkok, halkaas oo lagu daweynayo.

War-saxaafadeedka aayan lagu soo hadal-qaadin xaaladeeda caafimaad ee waqti-xaadirkan. Wararka qaar ayaa sheegaya "in xaalada ay ka halis badan tahay inta la sheegay".

Amiiradda oo aad ugu dhow aabaheeda xukunka haya mudada aadka u dheer waa gabadha xaaska koowaad ee boqorka Princess Soamsawali, iyo curadka caruurtiisa.

Bajrakitiyabha ayaa ku dhow aabaheed tan iyo markii uu bedelay King Bhumibol sanadkii 2016, waxaana laga dhigay sarkaal sare oo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee boqorka.

Boqor Vajiralongkorn ayaan weli magacaabin dhaxal-sugaha qasriga, hase ahaatee, amiirad Bajrakitiyabha ayaa waxaa loo arkaa inay tahay qofka ugu habboon ee beddeli doona aabaheed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM