Gacan-ku-dhiigleyaal dilay ra'iisul wasaare hore oo lasii daayay

Image
Maxkamada go'aankan gaartey ayaa cuksatay "hab-dhaqanka lagu qancay" ee dilayaasha kusoo bandhigeen jeelka.

NEW DELHI, India - Dhagarqabayaashii u dambeeyay ee loo xiray dilkii 1991-dii ee ra’iisul wasaarihii hore ee Hindiya Rajiv Gandhi ayaa xabsiga ka baxay maalin kadib markii maxkamadda sare ee dalkaasi ay amartay in la sii daayo.

Gandhi oo 46 sano jir ah ayaa waxaa dishay haweeney is qarxisay xili uu ka qeyb galayay isu-soo-bax doorasho ka dhacay gobolka Tamil Nadu ee koonfurta dalka Hindiya.

Khaarijintaas ayaa la aaminsan yahay in lagu geystay qorshe ay maleegayeen kooxda Liberation Tigers of Tamil Eelam (LTTE) oo ah koox gooni u goosad hubeysan oo reer Sri Lanka ah.

Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa ogolaatay in la sii daayo lixda qof ee la xukumay, iyada oo ku sababaysay "dhaqankooda lagu qancay" ee gudaha xabsiga iyo xaqiiqda ah in ay in ka badan soddon sano ku qaateen jeelka.

Saddex ka mid ah lixda qof – Nalini Sriharan, ninkeeda Murugan, iyo Santhan – ayaa Sabtidii ka baxay laba xabsi oo ku yaalla Vellore, oo qiyaastii 140km (87 mayl) u jirta caasimadda gobolka Chennai, sida uu sheegay wariye AFP ka tirsan oo goobta ku sugnaa.

Saddex ka mid ah lixda maxbuus ee la sii daayay Sabtidii ayaa markii hore lagu xukumay dil ka hor inta aan laga noqon isla markaana loogu badalin in ay dib u helaan xorriyadooda.

Gandhi wuxuu noqday ra'iisul wasaarihii ugu da'da yaraa Hindiya ka dib markii hooyadiis iyo ninkii uu badalay Indira Gandhi ay dileen ilaaladeeda kasoo jeeda bulshadda Sikh sanadka markii uu ahaa 1984.

Bishii hore, xisbigiisa Congress waxay u doorteen Mallikarjun Kharge oo 80 jir ah, horena u ahaa wasiir, inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee 24 sano ah oo aan ka soo jeedin boqortooyadii Gaandi, si ay uga kabtaan hoos u dhaca doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM