Gantaalo mar kale lagu garaacay caasimadda Ukraine ee Kyiv

Image
Mid ka mid ah ayuu ka dhawaajiyay in uu ku dhacay meel u dhow bartamaha magaalada.

KYIV, Ukraine - Ugu yaraan saddex qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukraine ee Kyiv aroornimadii Isniinta maanta ah, sidda ay soo wariyeen dadka degaanka ee magaaladda oo la hadlay warbaahinta.

Qaraxyadu waxay dhaceen abaaro 07:00 wakhtiga maxaliga ah (04:00 GMT), ayuu yidhi weriyaha BBC Paul Adams, oo ku sugan magaalada kaasoo kasoo waramay xaaladda dagaaladda.

Mid ka mid ah ayuu ka dhawaajiyay in uu ku dhacay meel u dhow bartamaha magaalada. Illaa haatan lama ogga bartilmaameedka iyo waxyeeladda ka dhalatay weeraradda.

Balse, waxay ku soo beegantay toddobaad ka dib markii caasimadda lagu garaacay dhowr gantaal oo Ruushku gannay, xilli degdeg ah iyo weerar ka dhacay waddanka oo dhan oo ay ku dhinteen 19.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in weeraradii todobaadkii hore ay aargoosi u ahaayeen qaraxii ka dhacay buundada muhiimka ah ee isku xirta Ruushka iyo Crimea oo uu ku eedeeyay in ay ka danbeyso Ukraine.

Dhacdadaas ayaa ku suntaneyd in ay ahayd markii ugu horeysay ee dagaalka si toos ah loo beegsado xarunta Kyiv tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Horaantii todobaadkan, Mr Putin waxa uu sheegay in aan loo baahnayn weeraro kale oo waaweyn oo lagu qaado Ukraine. Hase ahaatee, waxaa loo arkayay isku-day marin-habaabin ah.

Inta badan bartilmaameedyada loo qoondeeyay ayuu sheegay in la garaacay, isaga oo intaa ku daray in aysan ujeedkiisu ahayn in uu dalka burburiyo balse uu doonayo in uu "edbiyo dowladda Ukraine".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM