Garsoore diiday amarka labaad ee Trump

Image

Mid kamid ah Qaadiyaasha Maraykanka ayaa si adag uga horyimid amarka labaad ee Madaxweynaha dalka Maraykanka uu ku joojinayo dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya qaar kamid ah wadamada Islaamka.

Garsooraha Maxkamada degmada ee gobolka Wisconsin, William Conley ayaa sheegay in amarkan uusan ogolaan doonin islamarkaana lagu qaadi karin hooyo kasoo carartay colaadda dalka Yemen ama waalid ubadkiisu ku xayiranyahay Xalab.

Xaakimkan heer Federaalka ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la xayiro dadkaas oo uu sheegay inay halakeeyeen colaado daba dheeraaday.

Arrintan ayaa timdi kadib markii Qaadigan ku sugan Waqooyiga Maraykanka loo gudbiyay dacwad ka dhan xayiraad la saaray haweenay ku sugan dalka Syria.

Seyga qaba qoftaasi dumarka ah ayaa magangalyo ka helay gobolka Wisconsin, isaga ayaana kiiska xaaskiisa iyo gabadhiisa yar u gudbiyey maxkamada.

Dhagaysiga dacwaddaas kadib ayaa Garyaqaan Conlye,  go,aamiyey in amarka madaxweyne Trump uusan qaba karin hooyadaasi iyo gabadheeda yar.

Amar labaad oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, kasoo baxaxy todobaadkii hore ayaa xayiraad lagu saaray dadka ka imaanaya waddamada kala ah; Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Somali badan ayaa dib loogu soo celiyay dalka Somalia, tan iyo markii uu amarkan soo rogay Madaxweyne Trump.

GAROWEONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM