Gedo: Kenya oo duqeysey goobo fariisin u ahaa Al-shabaab

Image

April 6, 2015 (GO)-  Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeeyey deegaanno ka tirsan gobolka Gedo una dhow xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay militeriga Kenya oo lagu magacaabo Col. David Obonyo ayaa sheegay in duqeymaha oo tiradoodu labo tahay ay dhaceen gelinkii dambe ee shalay iyo goor hore oo maanta ah, islamarkaana lala beegsadey goobo fariisin u ahaa Al-shabaab.

Af-hayeenku wuxuu intaas raaciyey in duqeymahani jawaab u yihiin weerarkii Al-shabaab la beegsatey Jaamacadda Gaarisa, isagoo xusey lagu diley tiro ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo duqeyntaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa afar maalmood kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Al-shabaab ku qaaddey Jaamacadda Gaarsia.

Weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 150 qof oo ardey u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM