Geeri ka dhalatay bas ay la socdeen dad aroos ka yimid oo rogmadey

Image
Labo ka mid ah rakaabka ayaa laga soo qaaday goobta ay shilku ka dhacday.

CANBERRA, Australia - Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay 25 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu shil ku galay bas ay la socdeen tobanaan qof oo ka qeybgalayay xaflad aroos ku sugnaa dalka Australia.

Booliiska gobolka bari ee New South Wales ayaa sheegay in shilkan oo ka dhacay deegaanka quruxda badan ee Hunter Valley wine lasoo wariyay abaaro 11:30pm (13:30 GMT) Axadii todobaadkan.

Shilkan ayaa sidoo kale waxaa laga soo wariyay meel u dhow Greta, oo qiyaastii 180km (112 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan magaaladda weyn ee Sydney.

Sababta uu gaariga u rogmadey ayaa waxaa lala xiriiriyey in ay ahayd xili habeen ah oo ceeryaamo ah, inkastoo baaritaano dheeraad ah lagu sameynayo waxyaabaha kale ee jiray.

"Waan fahamsanahay inay wada joogeen aroos, waa fahamkeyga inay isla safrayeen… malaha hoygooda ayay u socdeen," ayuu Ku-simaha Kaaliyaha Bilayska NSW Tracy Chapman tiri intii lagu jiray shir jaraa'id oo telefishinka laga sii daayay.

Labo ka mid ah rakaabka ayaa laga soo qaaday goobta ay shilku ka dhacday, waxaana lagu qaaday diyaarad helikobter ah, sidda ay hadalkeeda kusii dartey Chapman.

Muuqaalka TV-yadda baahiyeen ayaa muujiyey gaariga oo rogmadey, iyada oo daraasiin ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdega ah ay xiran yihiin jaakadaha jaalaha ah ayna u rodayaan badbaadinta dadka waxyeeloobay.

Labadii shil ee ugu xumaa ee baska ee New South Wales waxay daceen 1989-kii, kaas oo ay ku dhinteen 35 iyo 21 qof midkiiba. 18 qof ayaa dhintay 1973-kii markii bas siday dalxiisayaal uu rogmadey markii uu ciladoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM