Geeri ka dhalatay hoobiye lagu garaacay magaalo ku taala Turkiga

Image
Hal madfac ayaa ku dhacay iskuul, halka mid kale uu haleelay gaari marayay meel u dhow xadka Suuriya.

ANKARA, Trukey - Saddex qof ayaa ku dhintay kadib markii madfac lagu garaacay degmada Karkamis ee dalka Turkiga, una dhow xudduudda Suuriya, sidda uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee waddankaas.

Shan hoobiye ayaa la sheegay in Isniintii la soo tuuray, mid ka mid ah uu ku dhacay iskuul, waxaana ku dhaawacmay lix qof oo laba ka mid ah ay yihiin kuwo halis ah.

Sida laga soo xigtay wakaaladda Anadolu ee Turkiga, madaafiicda qaar ayaa sidoo kale ku dhacay labo guri iyo gaari xamuul ah meel u dhow marinka xadka ee isku xira Karkamis iyo magaalada Jarablus ee Suuriya.

Maalintii Axadda, madaafiic laga soo tuuray Suuriya ayaa sababay dhaawaca lix sarkaal boolis ah iyo laba askari markii hoobiyeyaasha ay ku haleeleen meel ku dhow sohdinta.

Dagaalyahannada Kurdiyiinta ee PKK ayaa looga shakisan yahay inay madaafiicda ka soo rideen waqooyiga Suuriya, ka dib markii ciidammada cirka ee Turkiga ay weerarro cirka ah ku qaadeen fariisimahooda.

Baraha ay duqeeyeen ciidamadda Turkiga ayaa ku yaala Suuriya, halka kuwa kalana ay ku leeyihiin waqooyiga Ciraaq halkaasoo looga dilay dhowr askari iyo horjoogeyaal.

Dowladda Turkiga ayaa waxay ku eedeysay kooxda PKK in ay ka danbeeyeen qarax ka dhacday Istanbul oo ay ku dhinteen lix qof 13-kii November. Dhanka kale, PKK ayaa waxay iska fogeysay in ay geysatay weerarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM