Germany: gabdho looga shekiyey inay ku biiri lahaayeen IS oo la qabtay

Image

October 22, 2014 (GO)- Dalka Jarmalka waxaa lagu qabtay saddex gabdhood oo ka tegey magaalada Denver ee dalka Maraykanka islamarkaana la baadigoobayey sadexdii asbuuc ee ugu dambeeyey kadib markii looga shekiyey inay u safreen dalka Turkey si ay ugu biiraan kooxda IS.

Saddexda gabdhood oo labo asalkoodu Soomaali yahay midda kalena dalka Sudan kasoo jeedo waxaa dib loogu soo celiyey Maraykanka si ay qaraabadooda ula midoobaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan hay'adaha sirdoonka Maraykanka oo la hadlay VOA ayaa beeniyey inuu jiro xiriir ka dhexeeya saddexda gabdhood iyo kooxda xagjirka ah ee IS oo ku xooggan dalalka Syria iyo Ciraaq.

Af-hayeen u hadashay xafiiska FBI-da ee magaalada Denver oo lagu magacaabo Suzie Payne ayaa xaqiijisay in gabdhaha dib loogu celiyey qaraabadooda, iyadoo intaas raacisay in soo celintooda FBI-du qayb weyn ka qaadatay.

Magaalada Denver ee gobolka Calorado waxaa ku nool boqollaal Soomaali ah. Badi dadkaasi waxay ka shaqeeyaan wershadaha, gaar ahaan kuwa hilibka lagu qasacadeeyo.

Horay waxaa kooxda IS ugu biiray tobannaan dhallinyaro ah oo ka tegey Maraykanka iyo Yurub, kuwaasoo ay ku jireen qaar badan oo asalkoodu Soomaali yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM