Golaha amaanka oo ka arrin-sanaya xaalada bariga Ukraine

Image
Kulanka ayaa dhacaya 02:00 GMT, waxaana la filayaa inuu noqdo kulan furan, oo aan ahayn mid albaabadu u xiran yihiin.

NEW YORK, USA – Shir deg deg ah oo ay yeelanayaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo ka dib markii Ruushku aqoonsaday laba gobol oo ka go’ay bariga Ukraine, saacado ka dibna waxa uu sheegay in uu ciidamo geyn doono halkaas si ay “nabada u ilaaliyaan”.

Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaaqista madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay tahay "xadgudub aan laga fiirsan oo lagu sameeyay madax banaanida Ukraine iyo madaxbanaanida dhuleed" wuxuuna taageeray baaqii Ukraine ee ahaa kulan deg deg ah oo uu yeesho golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa dhacaya 02:00 GMT, waxaana la filayaa inuu noqdo kulan furan, oo aan ahayn mid albaabadu u xiran yihiin.

Waddamada reer galbeedka ayaa marar badan uga digay Ruushka in uu si rasmi ah u aqoonsdo gobollada Donetsk iyo Luhansk ee gooni-goosadka ah, ayna wiiqaan heshiiskii jilicsanaa ee 'Minsk' ee nabadeed ee aagga loo maleynayo in ay ku nool yihiin ilaa afar milyan oo qof.

Ruushka ayaa cududdiisa ku uruurinayey xudduudaha Ukraine toddobaadyo, taasoo walaac ku beertay Maraykanka iyo dawladaha kale ee reer galbeedka oo laga yaabo inay qorsheynayaan inay dalka ku soo duulaan. Moscow waxay ku adkaysatay inaysan wax qorshe ah u haynin inay sidaas samayso.

Mareykanka ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu la xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha “gardarrada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine” iyo sidoo kale Kuuriyada Waqooyi.

"Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la ilaaliyo madax-bannaanida Ukraine iyo wadajirka dhuleed," afhayeen u hadlay Maraykanka Ned Price ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Waxay ka kooban tahay 15 xubnood oo shan ka mid ah ay joogto yihiin, waxaana mid walba uu ka hadli doonaa shirkan degdegga ah.

Shiinaha, Faransiiska, Federaalka Ruushka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa ah shanta xubnood ee joogtada ah waxayna leeyihiin awoodda diidmada qayaxan.

Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo "xirmo muhiim ah oo cunaqabatayn ah" saacado yar gudahood.

Afhayeen u hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in cunaqabataynta lagu heshiin doono kulanka guddiga wax ka qabashada xasaradaha ee dawladda Boqortooyada Ingiriiska saacadu markay tahay 06:30 GMT isla markaana si degdeg ah loo dhaqan gelin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM

Jariidada New York Times oo Ka Digtey Isticmaalka Cabsida ee Donald Trump si uu u Adkeeyo Xukunkiisa

Trump ayaa caan ku ah adeegsiga cabsi si uu u cabsi geliyo mucaaradka…

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 08:57AM