​Golaha Ammaanka QM oo ka hadlay Doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay doorashadii Somalia ka dhacday 3 maalmood ka hor iyagoo bogaadiyay guusha uu gaaray Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

15 xubnood ee golahaas ku jira ayaa shir ay isugu yimaadeen Shalay, waxay uga hadleen arrimo ay ku jirto xaaladda Somalia gaar ahaan sida ay u arkaan doorashadii dhacday 08 February 2017.

Golaha oo ammaanay hormarka ay Somalia ka gaartay dhinaca siyaasadda ayaa ku baaqday in hogaamiyaha cusub wax ka qabto abaaraha iyo amni darrada dalka ka jira iyagoo isku raacay in arrintaas lagu gaari karo hufnaan iyo wada-shaqayn.

Madaxweynaha cusub ayay ka codsadeen inuu dhakhso usoo magacaabo Ra'isal wasaaraha islamarkaana la dhiso xukuumad deg deg wax uga qabata dhibaatada dalka jirta.

Xasan Sheekh ayay ku ammaaneen kaalinta uu ku lahaa is-badalka ka dhacay Somalia iyaguu ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee xilka u wareejiyay iyadoo wali lagu suganyahay goobta doorashada.

Abaarta Somalia ayaa shirkaas aad loogu faaqiday, waxaana QM xustay in 40% dadka ku nool dalkaas macaluul lasoo daristay islamarkaana u baahanyihiin gurmad deg deg ah.

Soo dhaweynta QM ayaa kusoo aaday xilli Hambalyo cusub loo diray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wixii ka dambeeyay 08 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM