Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo shir degdeg ah yeelanaya

Image
Kulankan ayaa diirada lagu saarayaa la wareegida Ruushka ee qaybo kamid ah dhulka Ukraine.

NEW YORK, United States - Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa qaban doona kulan degdeg ah 10-ka Octoobar kaas oo ku saabsan qabsashada sharci darada ah ee Ruushka ku galay dhulka Ukraine, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Codsiga kulanka Ukraine iyo Albania ayaa imaanaya kadib markii Ruushka uu diidey qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cambaareeyey aftidii "sharci-darrada ahayd" ee Moscow ay taageertay ee lagu doonayay in lagula wareego qaybo ka mid ah bariga Ukraine.

Aftida iyo ku biiristii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka.

193-ka xubnood ee Golaha loo dhan yahay ayaa ka doodi doona la wareegida afar gobol oo Yukreeniyaan ah -- Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson -- taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale qaraar ay soo diyaariyeen Midowga Yurub ayaa ku saabsan in hay’adda Qaramada Midoobay ay ka fiirsato in Ruushka laga go’doomiyo beesha caalamka haddii loo codeeyo, sida ay sheegeen dublamaasiyiintu.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dalbaday in Ruushka laga saaro dhammaan ururada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM