Golaha Wakiiladda Mareykanka oo digniin culus u diray Yahuuda

Image

WASHINGTON, US – Golaha Wakiiladda dalka Mareykanka ayaa Jimcadii meelmariyey qaraar ay ku muujinayaan taageeradooda ku wajahan xalka laba dowladood ee khilaafka Yahuuda iyo Falastiiyiinta.

Aqalka oo cod wadar ogol ah ku ansixiyey qaraarkaas ayaa sidoo kale wuxuu ka digay qabsashadda Israel ee Daanta Galbeed.

Go'aankaan oo ay taageerayaan Dimoqraadiyiinta ayaa wuxuu kasoo horjeedaa siyaasadda Trump ee garab-istaaga Yahuuda.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa bishii lasoo dhaafay shaaciyey in wixii hadda ka dambeeya aysan sharci darro u aqoonsan doonin deegaameynta Yahuuda kawado Falastiin.

Talaabadaas oo meel ka dhac ku ah shuruucda caalamka ayaa meesha ka saartey siyaasadda Mareykanka ee tan iyo sanadkii 1978-dii.

Falastiniyiinta oo hadalkaas ka falcelisay ayaa waxay sheegeen in ay caddeyn u tahay in Washington dhexdhexaad ka aheyn khilaafka.

Trump ayaa mar sii horeysay u aqoonsaday magaaladda barakeysan ee Quddus in ay tahay caasimadda Yahuuda, go’aankaas oo lagu cambaareeyay.

Qaramadda Midoobay oo qaraar horey uga soo saartay deegaameynta Yahuuda ee dhulka la haysto ee Falastiin ayaa shaacisay in ay tahay sharci darro, waxaana sanad walba loogu baaqaa Israel in ay joojiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM