Gollaha Militeriga Niger oo dhaqaaleyahan u magacaabay Ra'iisul Wasaare

Image

NIGER: Golaha milatariga Niger ayaa soo saartay bayaan laga akhriyay telefiishanka qaranka habeenkii isniinta, kaas oo lagu magacay Ali al-Amin Zein Ra'iisul wasaaraha cusub ee dalkaas, xilli beesha caalamka ay dooneyso soo celinta nidaamkii dastuuriga.

Colonel Ahmadu Abdirahman oo akhriyey bayaanka ayaa yiri: "Cali al-Amin Zain waxaa loo magacaabay ra'iisul wasaare,". Cali Zain waxa uu hore u qabtay xilka Wasiirka Maaliyadda 2002-dii si uu dalka uga saaro dhibaatada dhaqaale.

Golaha milatariga ayaa sidoo kale u magacaabay Gaashaanle Dhexe Xabiib Othman taliyaha Ilaalada Madaxtooyada.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu dhamaaday waqtigii ay ururka ECOWAS u qabteen in madaxda afgambiga ay dib ugu soo celiyaan Bazoum xilkiisa, ECOWAS ayaan meesha ka saarin in awood loo adeegsado hadii aan la fulin dalabkooda.

Saaxiibada Niger ee Galbeedka iyo Afrika ayaa ku kala qaybsan arrinta ku saabsan hirgelinta faragelin milatari oo rayidka lagu soo celinayo awoodda, xilli Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika uu mar kale ku kulmayo Khamiista magaalada Abuja ee Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM