Guantanamo Bay: Maxbuuskii ugu da'da weynaa oo lasii daayey

Image
Muwaadinkan u dhashay Pakistan ahna ganacsade weyn ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan argagixisanimo.

WASHINGTON, USA - Saifullah Paracha, oo ah 75 jir haysta dhalashada Pakistan, loona yaqaan maxbuuska ugu da'da weyn xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba ayaa dib ula midoobay qoyskiisa ka dib in ka badan 18 sano, xafiiska arrimaha dibadda Pakistan ayaa xaqiijiyay Sabtidii.

"Waan ku faraxsanahay in muwaadin ku xiran dibadda uu dib ula midoobo qoyskiisa," Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Bilawal Bhutto Zardari ayaa ku yiri Twitter.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay soo gebagebeysay hannaan ballaaran oo hay'adaha ka dhexeeya si loo fududeeyo dib u celinta Mr. Paracha," ayuu xafiisku ku yiri bayaan.

Siideyntiisa ayaa la ansixiyay bishii May ee sanadkii hore kadib in ka badan 16 sano oo uu xirnaa.

Paracha ayaa lagu xiray dalka Thailand sanadkii 2003-dii isagoo looga shakiyay inuu yahay taageere Al-Qaacida balse waligiis laguma soo oogin dambiga intii uu xirnaa.

75-jirkan oo ku noolaa Maraykanka ayaa ahaa maalqabeen ganacsade ah oo kasoo jeeda Pakistan. Waxaa lagu eedeeyay in uu fududeeyay weerarkii argagixisanimo ee 9/11 isaga oo adeegsanaya dhaqaalo balse wuu diiday eedeymaha iyo ku lug lahaanshaha argagixisanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM