Guddoomiyaha Midowga Africa oo la doortay

Image

Waxaa goordhaweyd lasoo afmeeray doorashada Guddoomiyaha Midowga Africa oo ay ku loolamayeen murashaxiin kala duwan oo ay ku jirto Amina Maxamed oo asal ahaan Somali ah, balse iminka ah wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Chad Moussa Faki ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika.

Ninkan ayaa badali  doonaan Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika oo wakhtigeedu dhamaaday.

Mr Faki waxaa wareegii ugu dambeeyay kula tartamay wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya Aamina Maxamed. Wuxuu helay 38 cod.

Faki ayaa horay ra'iisal wasaare uga soo noqday dalka Chad.

Waxaa guddoomiye ku xigeen loo doortay Thomas Kwesi, oo u dhashay dalka Ghana.

Aminada loollanka looga guulaystay ayaa hambalyo  u dirtay Guddoomiyaha cusub waxayna u rajaysan inuu xilkaas si wanaagsan uga soo baxo.

Waxa isha lagu hayn doonaan waxyaabaha uu kaga duwanaado Guddoomiyihii ka horeeyay oo ahayd haweenay.

Madaxda Africa ayaa laftigooda soo dhaweyay doorashada mas'uulka cusub.

Madaxda Midowga Afrika oo ku shirsan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxyaabaha ay labada maalmood ee soo socoto ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah dalabka Morocco ay ku dooneyso inay dib ugu biirto Midwoga Africa oo ay ka baxday 32 sano ka hor.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa isagoo u tagay shirka Madaxda Africa, waxaana la filayaa inuu halkaas khudbad ka jeediyo isagoo warbixin doona xaaladda dalka iyo doorashooyinka socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM