Guriga duqa magaalo ku taalla Faransiiska oo weerar lagu qaadey

Image
Dhacdadan ayaa dhalisay naxdin baahsan waxaana la sheegay in loo aqoonsadey in ay ahayd isku day dil.

PARIS, France - Dabley ayaa isku dayday in ay dab qabadsiiyaan guriga uu degan yahay duqa magaalada Paris habeennimadii Axada waxaana ay madaafiic ku dhaawaceen xaaska iyo caruurtii uu dhalay mas'uulkan.

Dhacdadan ayaa dhalisay naxdin baahsan waxaana loo aqoonsadey isku day dil. Ra'iisul wasaare Elisabeth Borne oo bayaan soo saarey ayaa falkan ku tilmaantay mid aan loo dulqaadan karin.

Duqa magaalada, Vincent Jeanbrun, ayaa lagu waramay in xilligaas uusan ku sugneyn ama joogin guriga, laakiin xaaskiisa ayaa lugta ka jabtay sidoo kale ilmo ayaa dhaawacmay.

Faransiiska oo kamid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata ka dib markii booliska ay dileen wiil dhalinyaro ah Talaadadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Shaqsiyaadka la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan ka dhacay xaafadda L'Haÿ-les-Roses oo ku taalla ee koonfurta Paris, ayaan la aqoonsan.

Dableyda weerarka geysatay ayaa baabuur la soo galay afaafka hore ee gurigooda ka hor inta aysan gubin hoyga si uu dabku ugu fido guriga, sida uu hadalka u yiri duqa magaalada.

Weerarka lagu qaaday guriga duqa magaalada Jeanbrun ayaa yimid habeenkii shanaad oo ay ka socdeen dibad baxyo rabshado wata oo ka dhacay guud ahaan dalka Faransiiska.

Mudaaharaadyadda oo ay wehliyaan qulqulatooyin baahsan ayaa waxaa looga soo horjeedaa geeridii Nahel M, oo 17 jir ahayd, kaas oo ay booliisku ku toogteen meel banaan ah xilli ay taraafikada istaageen uuna waday taksi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM