Guriga duqa magaalo ku taalla Faransiiska oo weerar lagu qaadey

Image
Dhacdadan ayaa dhalisay naxdin baahsan waxaana la sheegay in loo aqoonsadey in ay ahayd isku day dil.

PARIS, France - Dabley ayaa isku dayday in ay dab qabadsiiyaan guriga uu degan yahay duqa magaalada Paris habeennimadii Axada waxaana ay madaafiic ku dhaawaceen xaaska iyo caruurtii uu dhalay mas'uulkan.

Dhacdadan ayaa dhalisay naxdin baahsan waxaana loo aqoonsadey isku day dil. Ra'iisul wasaare Elisabeth Borne oo bayaan soo saarey ayaa falkan ku tilmaantay mid aan loo dulqaadan karin.

Duqa magaalada, Vincent Jeanbrun, ayaa lagu waramay in xilligaas uusan ku sugneyn ama joogin guriga, laakiin xaaskiisa ayaa lugta ka jabtay sidoo kale ilmo ayaa dhaawacmay.

Faransiiska oo kamid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata ka dib markii booliska ay dileen wiil dhalinyaro ah Talaadadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Shaqsiyaadka la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan ka dhacay xaafadda L'Haÿ-les-Roses oo ku taalla ee koonfurta Paris, ayaan la aqoonsan.

Dableyda weerarka geysatay ayaa baabuur la soo galay afaafka hore ee gurigooda ka hor inta aysan gubin hoyga si uu dabku ugu fido guriga, sida uu hadalka u yiri duqa magaalada.

Weerarka lagu qaaday guriga duqa magaalada Jeanbrun ayaa yimid habeenkii shanaad oo ay ka socdeen dibad baxyo rabshado wata oo ka dhacay guud ahaan dalka Faransiiska.

Mudaaharaadyadda oo ay wehliyaan qulqulatooyin baahsan ayaa waxaa looga soo horjeedaa geeridii Nahel M, oo 17 jir ahayd, kaas oo ay booliisku ku toogteen meel banaan ah xilli ay taraafikada istaageen uuna waday taksi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM