Guterres oo ka digay halis kusoo wajahan dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ka dhawaajiyey in qaab aan toos ahayn ay wadamo ay ku jirto Soomaaliya ugu soo fool leedahay macquul baahsan.

Sidda laga soo xigtay warbixin uu la wadaagay Golaha Ammaanka, wadamada Soomaaliya wehliya waa Burkina Faso iyo Afghanistan.

Guterres ayaa shaaca ka dhigay in dalalka Nigeria, Congo, Yemen, iyo South Sudan ay si toos ah halis ugu jiraan macquul isla markaana ay ka jirto cunto yari baahsan, loona baahan yahay in talaabo loo qaado si deg-dega.

"Xaalada waxay uga sii dareysaa wadan ka wadan, halka shacabka ay dilayaan kooxo hubeysan; wadamadaan halista ugu jira musiibadaas bini'aadanimo waa kuwa ugu sareeya cuni yarida qiimeynta 2020, xalka wuxuu jiraa talaabo hadda la qaado," ayuu dunida ugu qaylo-dhaamiyey Guterres.

Safmareenka Coronavirus ayuu hoosta ka xariiqay in uu waxyeeleeyay xaaladda cuntadda ee wadamada kasoo koraya colaadaha.

Soomaaliya ayaa ku jirta wadamada laga xaqiijiyey kiisas la xiriira Covid-19, iyaddoo shaki ay ka jirto tirada dhimashada oo 90 ah.

Dowladda oo qirtay in dhaqaaluhu hoos u dhigay xanuunka ayaa dunida waydiisatay taageero qeybteeda ay heshay, hase ahaatee, waxaa mas'uuliyiin loo maxkamadeeyay in ay lunsadeen deeqdaas caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM