Haiti: Burcad hubeysan oo nolosha ku gubtay laba wariye

Image
Image
Warku wuxuu intaa ku daray in wariye saddexaad ay u suurta-gashay inuu baxsado.

WASHINGTON, USA - Labo wariye oo u dhashay dalka Haiti ayaa koox burcad ah ay nolosha ku gubeen Khamiistii shalay, sida ilo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Haiti uu u sheegay telefishinka afka dheer ee CNN.

Ilaha ayaa sheegay in kooxda Ti Makak ay dilka ka fuliyeen xaafadda Pition-Ville ee magaalada Port-au-Prince. Ujeedka iyo faahfaahinta weerarka ayaan weli cadeyn, sida ku cad warbixinta.

Warku wuxuu intaa ku daray in wariye saddexaad ay u suurta-gashay inuu baxsado. Hase ahaatee, illaa haatan lama soo bandhigin magaciisa iyo goobta uu ku sugan yahay.

Radio FMcoute FM ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah wariyayaashiisa oo lagu magacaabi jiray John Wesley Amady lagu dilay weerarka xilli uu ku guda jiray howlo shaqo oo ah kasoo waramida amni darada ka jirta degaanka.

Weeraradan ayaa yimid xilli rabshadaha xad dhaafka ah iyo xaalada amni ee sii xumaanaysa ee ee caasimadda dalkan dadkiisu saboolka yihiin ee lagu magacaabo Port-au-Prince.

Sidoo kale, waxay imaanayaa iyadoo kooxaha iska soo horjeeda uu midba kana kale ku eedeynayo dhibaatooyinkan horseeday barakicida tobanaan kun oo qof oo ku nool mid ka mid ah wadamada ugu saboolsan Ameerika.

Bishii Luulyo ee sannadkii hore, Madaxweynihii Haiti Jovenel Moise ayaa la dilay intii lagu jiray weerar lagu qaaday hoygiisa gaarka ah. Dhowr qof ayaa loo xiray kuwaasoo hadda maxkamad sugaya.

Dilkaas wuxuu sababay loolan dhanka awoodda ah oo dab kusii shiday qalalaasaha rabshadaha, dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee Haiti sii kordhaya, iyo masiibada Covid-19.

Mareykanka ayaa Talaadadii xabsiga dhigay nin u dhashay Colombia oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka Moise. Eedeysanaha waxaa la filayaa in loosoo duuliyo Haiti si maxkamad loosoo taago una wajaho dacwada loo haysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM