Halyeeyga kubada cagta Pele oo isbitaal la dhigay

Image
Edson Arantes do Nascimento ayaa sanadihii u dambeeyay xaaladiisa caafimaad liidatay

SAO PAULO, Brazil - Halyeyga kubadda cagta Brazil, Pele, ayaa isbitaal la dhigay si looga daweeyo burada mindhicirka oo horay looga helay, sida laga soo xigtey dhakhaatiirtiisu, waana dhibaatadii caafimaad ee ugu dambeysay ee 81-jirkan.

Ku guuleystaha saddexda jeer ee Koobka Adduunka ayaa, sida ay qoyskiisu xaqiijiyeen, la dhigay Isbitaalka Albert Einstein ee Sao Paulo, Brazil, "si dabagal loogu sameeyo burada mindhicirka laga helay bishii Sebtembar ee sanadkan".

"Bukaanku wuu deggan yahay, waxaana la filayaa in la sii daayo maalmaha soo socda," ayay sheegeen dhakhaatiirta. War saxaafadeedku ma bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan halista burotiisa iyo sida daawadu u socoto.

Pele oo kamid ah laacibiinta ugu fiicntaa taariikhda kubada cagta ayaa qaliin looga sameeyay burada Sebtembar 4-teedii, isaga oo muddo bil ah isbitaalka ku jiray ka hor inta aan laga saarin si uu guriga uga sii wato kiimoterabiyadda.

Edson Arantes do Nascimento ayaa sanadihii u dambeeyay xaaladiisa caafimaad liidatay, waxaana uu waqtiyo kala duwan ku qaatay isbitaalka. Qaliinka miskaha waxa uu ku reebay xanuun soo noqnoqda oo hadda ma socon karo isagoon la caawin.

Ciyaaryahanka kaliya ee taariikhda kubada cagta ku guuleystay seddex koob adduun - 1958, 1962 iyo 1970 - wuxuu kasoo muuqdey masraxa adduunka isagoo 17 gool dhaliyay, oo ay ku jiraan labo final oo uu ka dhaliyay Sweden oo martigelineysa, iyadoo Brazil ay ku guuleysatay Koobka Adduunka markii ugu horeysay. waqtigu wuxuu ahaa 1958.

Pele oo ka soo muuqday muuqaallo la qaaday intii lagu jiray muddadii uu soo kabsashada ahaa ee Sebtembar iyo Oktoobar laguna faafiyey Twitter-ka bishii hore ayaa wuxuu ku caddeeyay inuu dareemayo fiicnaan. Balse uu u baahan yahay kabasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM