Haweenay "cayday" diinta Islaamka oo dil lagu xukumay

Image
Tan iyo sanadkii 1990-kii, ugu yaraan 80 qof ayaa loo dilay eedeymo aflagaado ah, sida ay warisay Al Jazeera.

ISLAMABAD, Pakistan - Maxkamad ku taal Pakistan ayaa dil toogasho ku xukuntay haweenay Muslimad ah oo lagu eedeeyay in ay faafisay sawirro "lagu aflagaadeynayo Islaamka, Nebi Muxamed iyo mid ka mid ah xaasaskiisa.

Xeerbeegtada oo ku taal magaalada dhacda waqooyiga Pakistan ee Rawalpindi ayaa Arbacadii xukuntay Aneeqa Ateeq iyada oo la raacayo sharciyada adag ee aflagaadada ka dhanka ah diinta Islaamka ee dalkaas.

Sharcigan oo ay duraan qaar kamid ah ururadda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa wuxuu kusoo rogayaa ciqaab dil qasab ah qofkii lagu helo in uu caayey Nebi Muxamed NNKH.

Cayda diinta waa mawduuc xasaasi ka ah Pakistan. Sharciyada ka yaala waxay xeerinayaa xabsi daa'im ah iyo xukun dil ah oo khasab ah oo loogu talagalay qofkii lagu helo dambi kasta oo noocaas ah.

Tan iyo sanadkii 1990-kii, ugu yaraan 80 qof ayaa loo dilay eedeymo aflagaado ah, sida ku xusan tirokoob rasmi ah oo ay sameysay warbaahinta afka dheer ee Al Jazeera.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira dad lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen, xubnaha qoyskooda, qareenadooda iyo ugu yaraan hal garsoore, sida lagu sheegay xogta.

Maamulaha warshadda soo saarta dharka una dhashay Sri Lanka ayaa kamid ahaa shaqsiyaadii ugu dambeeyay ee sababo la xiriira in uu caayey Diinta Islaamka ay tobanaan dad ah ugu dileen gudaha waddanka Pakistan.

Dadka ka caroodey falka lagu eedeeyay ayaa eydkiisa ku gubay meel fagaare ah magaalada bariga dalkaas dhacda ee Sialkot bishii December ka dib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay dad ay wada shaqeynayeen iyo Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM