Haweenayda fulisay weerarkii Istanbul oo lasoo bandhigay

Image
Ahlam Albashir ayaa la sheegay in ay ka tirsan tahay kooxda Kurdiyiinta oo Ankara u aragto urur argagixiso.

ANKARA, Turkey - Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa Isniinta mnaata ah waxay soo bandhigay Ahlam Albashir oo u dhalatay waddanka Suuriya taasoo ay sheegeen in ay ka dambeysay weerarkii ka dhacay magaalada Istanbul.

Qaraxan oo la aaminsan yahay in uu ka dhashay miino ayaa waxa uu galaaftey nolosha lix qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50 kale — kuwaasoo badankooda ahaa shacab.

Dhanka kale, Turkiga oo rumeysan in laga yaabo in weerarkan ay geysatay PKK ayaa ku gacan-seyray dhambaal tacsi ah oo safaaradda Mareykanka ka dirtey weerararkii Istanbul.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, Suleyman Soylu, ayaa xasuusiyey Washington ay muhiim tahay ka laabashada taageerada ay siiso kooxaha gabaadka u ah ururka PKK.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Axad ah ku tiri: “Mareykanku wuxuu si adag u cambaareynayaa falkii rabshadaha ahaa ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga”.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa rumeysan in haweenayda ay xiriir la leedahay dagaalyahannada Kurdiyiinta balse waa macquul in ay gacansaar la ISIL (ISIS), sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Turkiga.

Sargaalka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in natiijada hordhaca ah ay tilmaamayso in qofka uu xiriir la leeyahay xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK, oo Turkiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay u arkaan "argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya inuu dhimo Shaqaalaha CIA-da Mareykanka

Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee tabiya qorshahan dhimista shaqaalaha.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 12:48PM

Gantaal laga soo tuurey Yemen oo ku dhacay Garoonka Diyaaradaha ugu wayn Israel

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof ay waxyeello kasoo gaartay weerarka, mid ka mid ahna uu si fudud u dhaawacmay.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 08:48AM