Haweenayda fulisay weerarkii Istanbul oo lasoo bandhigay

Image
Ahlam Albashir ayaa la sheegay in ay ka tirsan tahay kooxda Kurdiyiinta oo Ankara u aragto urur argagixiso.

ANKARA, Turkey - Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa Isniinta mnaata ah waxay soo bandhigay Ahlam Albashir oo u dhalatay waddanka Suuriya taasoo ay sheegeen in ay ka dambeysay weerarkii ka dhacay magaalada Istanbul.

Qaraxan oo la aaminsan yahay in uu ka dhashay miino ayaa waxa uu galaaftey nolosha lix qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50 kale — kuwaasoo badankooda ahaa shacab.

Dhanka kale, Turkiga oo rumeysan in laga yaabo in weerarkan ay geysatay PKK ayaa ku gacan-seyray dhambaal tacsi ah oo safaaradda Mareykanka ka dirtey weerararkii Istanbul.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, Suleyman Soylu, ayaa xasuusiyey Washington ay muhiim tahay ka laabashada taageerada ay siiso kooxaha gabaadka u ah ururka PKK.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Axad ah ku tiri: “Mareykanku wuxuu si adag u cambaareynayaa falkii rabshadaha ahaa ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga”.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa rumeysan in haweenayda ay xiriir la leedahay dagaalyahannada Kurdiyiinta balse waa macquul in ay gacansaar la ISIL (ISIS), sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Turkiga.

Sargaalka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in natiijada hordhaca ah ay tilmaamayso in qofka uu xiriir la leeyahay xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK, oo Turkiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay u arkaan "argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM