Haweeney loo xiray in ay "qashin" ku tilmaamtey madaxwayne

Image
Valerie ayaa la maxkamadeyn doonaa 20-ka June, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah.

PARIS, France - Haweeney lagu eedeeyay in ay aflagaadeysay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa la maxkamadeyn doonaa 20-ka June, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah.

Valerie, oo kamid ah banaanbaxayaasha ku caan baxay jaakada jaalaha, ayaa, sidda laga soo xigtey wargeyska La Voix Du Nord, waxaa la dhigay xabsiga 24-kii Maarso.

Sidda ku xusan warbixinta, Valerie ayaa loo haystaa in ay darbi ku qortey "Marcon waa qashin". Fariintaas ayaa kamid ahayd eryo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska oo dibad-bax lagu soo bandhigay.

Mudaaharaadka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada ay Valerie degan tahay ee Saint-Omer ee waqooyiga Faransiiska. Sawirka erayga ay soo qortey ayaa ku faafay baraha bulshadda.

"Qashinku wuxuu kula hadli doonaa berri 1:00 duhurnimo, dadka aan macnaha lahayn, had iyo jeer waxaan ka heleynaa qashinka TV-ga," ayay ku soo qortay ciwaankeeda Facebook.

Valerie oo magaceeda dhameystiran aan lasoo bandhigin ayaa waxay u sheegtay booliiska in ay qortay fariin ku salaysan sidda aysan ula dhacsaneyn hanaanka hogaamineed ee Macron.

"Waxaa loo geeyey dacwad oogaha oo u sheegay in maxkamad la soo taagi doono kadib markii ay aflagaadeysay wakiil dowladeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta joornaalka La Voix Du Nord.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin $28,000 looga dhacay xiriir jaceyl oo loo adeegsaday 'gabar' AI ah

Si ay khiyaanadooda u dhameystiraan, kooxdu waxay xitaa sameeyeen aqoonsi iyo warbixinno caafimaad oo been abuur ah.

  • Caalamka

    26-02-2025

  • 02:12PM

Trump iyo Macron oo Ku Heshiiyay In Kharashka Amniga Ukraine La Wadaago

Kadib markii uu la kulmay Macron in kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Aqalka White House muddo ka badan saaca.

  • Caalamka

    25-02-2025

  • 09:09AM