Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Image

LONDON, Juun 16 — Hay’adda Sirdoonka Dibadda ee Britain (MI6) ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda 116-ka sano ah haweeney u magacowday xilka agaasimaha guud.

Blaise Metreweli, oo ku biirtay hay’adda sirdoonka sanaddii 1999, ayaa noqoneysa agaasimihii 18-aad ee MI6, iyadoo xilka kala wareegi doonta Sir Richard Moore dhammaadka sanadkan.

Metreweli, oo hadda ah Agaasimaha Guud ee Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka (Director General "Q"), ayaa sheegtay inay tahay “mid sharaf iyo hanweynba leh” in loo xusho hoggaaminta hay’adda.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain, Sir Keir Starmer, ayaa magacaabista ku tilmaamay “mid taariikhi ah”, xilli uu sheegay in howlaha hay’adaha sirdoonku “aanay weligood sida maanta muhiim u noqon.”

MI6 waxaa laga mas’uul ka yahay ururinta sirdoonka dibadda si loo sugo amniga Britain, iyadoo diiradda lagu saaro la dagaallanka argagixisada, carqaladeynta dalalka cadawga ah, iyo xoojinta amniga dhanka internet-ka.

Agaasimaha guud ee MI6 — oo loo yaqaanno "C" — waa qofka keliya ee si dadweyne loo magacaabo oo ka tirsan hay’adda. Ms Metreweli, 47 jir ah, ayaa haatan madax u ah qeybta tiknolojiyadda iyo hal-abuurka, taas oo muhiim u ah ilaalinta qarsoodiga wakiillada sirdoonka iyo horumarinta farsamooyinka looga hortago kormeerka dalal sida Shiinaha.

“MI6 waxay door muhiim ah ka ciyaartaa badbaadada shacabka Britain iyadoo la kaashaneysa MI5 iyo GCHQ, iyo sidoo kale ilaalinta danaha Britain ee caalamka,” ayay tiri.

“Waxaan rajeynayaa inaan sii wado shaqadaasi aniga oo garab taagan saraakiisha geesiyaasha ah ee MI6 iyo la-hawlgalayaasheenna caalamiga ah.”

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5, hay’adda amniga gudaha ee la walaal ah MI6. Waxay inta badan khibraddeeda ku qaadatay Bariga Dhexe iyo Yurub.

Sanadkii 2024, Metreweli waxaa la guddoonsiiyay billadda "Companion of the Order of St Michael and St George (CMG)" iyada oo lagu abaalmariyay adeeggeeda siyaasadda arrimaha dibadda ee Britain.

Markii ay la hadashay wargeyska The Telegraph bishii Diseembar 2021 — xilligaas oo ay ka tirsanayd MI5 kuna shaqeyneysay magaca "Director K" — Metreweli waxay sheegtay in hanjabaadaha ku wajahan amniga qaran ee Britain ay yihiin kuwa “aad u kala duwan”.

“Hanjabaadaha aan wajahayno waxa ay inta badan quseeyaan ilaalinta dowladda, qarsoodiga, dadka — waxaana ka mid ah ka hortagga dilalka siyaasadeed, ilaalinta dhaqaalaha iyo tiknolojiyadda xasaasiga ah,” ayay tiri.

Waxay intaa ku dartay in “hawlaha dawladda Ruushka — ma aha Ruushka laftiisa — ay weli khatar ku yihiin Britain”, halka Shiinahana ay sheegtay “inuu beddelayo sida ay dunidu u shaqeyso, taas oo fursado iyo khataro cusubba u keentay Britain”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM

MBS: Israel waxay ku riixaysaa Mareykanka inuu galo dagaalka Iran

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in labada dhinac ay qaataan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda si looga fogaado dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    15-06-2025

  • 07:26AM