Hindiya: Qarax xooggan oo burburiyey dhisme maxkamad

Image
Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay qaraxan. Sidoo kale, waxaan wali la ogayn cidda ka dambeysa weerarka.

NEW DELHI, India – Qarax xooggan oo ka dhacay dhisme maxkamadeed oo ku taal Ludhiana, oo ah magaalo ku taal waqooyiga gobolka Punjab ee dalka Hindiya, ayaa sababay geeridda ugu yaraan laba qof, laba kalena waa ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxan dhacay Khamiista maanta ah ayaa waxyeello u geystay gidaarada qolka nasashada ee dhismaha garsoorka iyo burburay muraayadaha qolalka kale, sidda uu baahiyey telefishinka NDTV ee maxaliga ah.

Muuqaal lasoo dhigay online-ka ayaa muujinayay ciidamo booliis ah oo dadka dhaawaca ah kasoo saaraya dhismaha. Saraakiisha ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo dadka kale ka codsanaya inay ka baxaan dhismaha.

Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay qaraxan. Sidoo kale, waxaan wali la ogayn cidda ka dambeysa weerarka.

Madaxa gobolka Punjab, Charanjit Singh Channi, ayaa daaha ka rogay in dowladdu ay "feejigan tahay" wuxuuna ku dhawaaqay "baaritaan".

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Channi sidoo kale ku muujiyay sida uu uga xun yahay qaraxa, wuxuuna sheegay inuu ku sii jeeday goobta.

"Waxaan u xaqiijinayaa dadka gobolka in dembiilaha aan la dhaafi doonin," ayuu qoray. "Cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso nabadda iyo wada noolaanshaha dowladnimada, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM