Hogaamiyaasha reer Yurub oo tagay dalka Ukraine

Image

KYIV - Raysal wasaarayaasha dalalka Poland, Czech iyo Slovenia ayaa Talaadadii safar Dhulka ah ku tagay magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine si ay u muujiyaan taageeradda dalalkooda u hayaan dalka Ukraine.

Raysal Wasaaraha Poland, Morawiecki ayaa waxaa weheliyay Raysal wasaaraha Czech, Petr Fiala iyo Raysal wasaaraha Slovenia, Janeza Jansa.

Hogaamiyeyaashan ayaa ku safray tareen ayagoo shir la yeeshay madaxweynaha dalkaasi, Volodymyr Zelensky.

Kulankan ayaa dhacay habeenimadii Arbacada taariikhdana ku beegneyd 16 Maarso, 2022.

Madaxa nidaamka qaranka ee tareenada, Oleksandr Kamyshin ayaa mar uu la hadlayay wargayska CNN yiri, “taasi anaga aad ayay muhiim inoogu ahayd, haddii xittaa aysan ahayn mid maangal ah.”

Oleksandr ayaa sheegay in ay qarinayeen xogta ku saabsan safarka madaxda ay ku tagayeen Kyiv balse uu yaabay marka uu arkay in booqashada madaxda lagu daabacay baraha bulshada.

Oleksandr ayaa yiri, “caruurteyda xittaa uma sheego halka aan joogo sababtoo ah dalka ayaa xaalad colaad ku jiro, anigana ma amri karin wafdiga.”

Wufuudan ayaa shaacisay socdaalkooda xilli ay kusii jeedeen caasimadda dalkaasi ee Kyiv.

“Ma ahan mid na khuseysa anaga balse waxa ay ku saabsan tahay mustaqbalka caruurteena oo mudan in ay ku noolaadaan duni ka madax banaan xukun maroorsi, waana waajibaad ina saran in aan tagnaa halka taariikhda dhaxal galka ah ay taalo,” ayuu kusoo qoray Mateusz Morawiecki barta uu ku leeyahay Facebook.

Petr Fiala ayaa sidoo kale bartiisa twitter-ka kusoo qoray, “Muhiimada booqashadeena waa in ay Midowga Yurub u muujiyaan dalka Ukraine taageero buuxda oo loo dhan yahay.”

Magaaladan ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay hareeyay duqeymo dhanka cirka ah oo burburiyay guryo badan taas oo sabab u noqotay in lagu soo rogo bandow 35 saacadood ah.

Iyada oo nidaamka tareenada uusan ahayn mid wax ka qaban kara duqeymaha, ayaa wafdigan ku dhawaaqeen in ay ku sii socdaan xarunta dalka Ukraine.

Oleksandr ayaa ku adkeystay in Raysal wasaarayaasha lahaayeen fikirka ah in ay dhulka maraan ayagoo u arkay in uu yahay habka ugu fiican ee lagu gaari karo Kyiv.

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli subaxnimadii arbacada la duqeeyay xarun ay ku safraan gaadiidkan oo ku taala Zaporizhzhia wax yar kadib booqashadoodi.

Kooxdan ayaa qaadatay mid ka mid ah afarta tareen ee ugu socodka fiican, waxaana weheliyay ilaaladooda iyo rakaab ayaga la socday.

Qiyaas ahaan 8 illaa 9 saacadood ayay dhexda kusii jireen ayagoo waqti yar la qaatay madaxweynaha Ukraine Zelensky ka hor inta aysan dib usoo dheelman.

“Waxuu ahaa safar iska caadi, wadada uu wafdiga marayeyna kama duwaneen kuwa kale, waana habka iigu fiican oo aan u ilaalin karo haddii Raysal Wasaarayaasha wadamada dibadda ay doorbidaan tareenada halkii ay qaadan lahaayeen gaari ama diyaarad,” ayuu yiri Oleksandr.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM