Hogaamiyaasha Ruushka iyo Jarmalka oo ballansan

Image

Hogaamiyaasha dalalka sida weyn isu haya ee Jarmalka iyo Ruusha ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan xasaradaha ka taagan gobolka Cremea iyo dalka Suuriya, taasoo labada waddan ay aad isugu khilaafsanyihiin.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco, halka uu Putin uu ka deggan yahay Sochi.

Shirka ayaa ku soo aadaya xilli xiriirka labada dal uu ku xumaaday dagaalka Suuriya ka socda iyo qabsashada gobolka Crimea.

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo Madaxweynaha Ruushka kula kulanto Vladimir Putin, ayaa dood adag ka gali doona sidii loo dhammayn lahaa xasaradaha ka dhashay labadaas arrimood.

Lama oga inay isku fahmi doonaan iyo inkaleeto, balse wararka ayaa in labada hogaamiye aad ugu kala aragti duwanyihiin siyaasadaha la xariira, Suuriya iyo gobolka Cremea.

Merkel ayaa ka dooneysa Ruushka inuu xal u helo soo afjaridda dagaalka Ukraine isla markaana uu ka taliyo nabad ku soo dabaalidda Suuriya, halka madaxweyne Putin uu si taas la mid ah doonaya taageerada Merkel ee ku aaddan qaadidda cunaqabeynta Midowga Yurub.

Putin ayaa sidoo kale doonaya inuu ogaado fekerkeeda ku aaddan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ay dhawaan la kulantay.

Waa kulankoodii u horeeyay ee labada hogaamiye yeeshaan tan iyo sanadkii 2015kii.

Xiriirka u dhaxeeya Ruushka iyo Jarmalka ayaa ka sii darayay tan iyo intii uu Ruushku dhul-ballaarsiga ku sameeyay gayiga Crimea sanadkii 2014kii, iyadoo Jarmalkuna uu dabada ka riixayay cunaqabaneyntii uu Midowga Yurub arrintaas kaga jawaabay.

Dhinaca kale hogaamiyaha Ruushka Putin ayaa Arbacada la kulmi doona dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Waxay kawada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo qodobo la xariira colaadda ka taagan Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM