Hogaamiyaha Hong Kong oo xilka loo dhaariyay

Image

Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa ka qaybgalay dhaarinta xafladda hogaamiyaha cusub ee Hong Kong, Carrie Lam, xili la xusayo 20 guuradii ka soo wareegtay marka Britain ay ku wareejisay Shiinaha.

Lam, ayaa ah haweenaydii ugu horraysay ee hogaamiye ka noqota Hong Kong. Xi Jinping ayaa ka qaybgalay xaflado dhowr ah oo ay ka mid tahay xaflad calanka lagu saarayay, xili ammaanka si wayn loo adkeeyay.

Hasa yeeshee isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyadda iyo kuwa taageersan xukuumada Beijing ayaa ka dhacay meel u dhaw goobta ay xafladda ka dhacaysay, waxaana la xiray dhowr qof.

Khudbad uu jeediyya ayuu Xi ku sheegay in Hong Kong imika ay ku naaloonayso dimuqraadiyaddii ugu waynayd ee abid soo marta taariikhda.

Waa booqashadisii ugu horraysay ee uu magaaladaas ku tago tan intii uu noqday hogaamiye 2013 waxa ayna imanaysaa saddex sano ka dib markii qaybo ka mid ah Hong Kong,ay ka dhaceen dibadbaxyo bilooyiin socday oo lagu doonayay dimuqraadiyad.

Weriyaha BBC ee Hong Kong Juliana Liu ayaa barteeda a tweetarka ku sheegtay in ay jiraan isku dhacyo dhexmaray booliiska iyo dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyada.

Xisbiga u janjeera dhanka dimuqraadiyadda ee Demosisto, ayaa sheegay in ay booliiska xireen shan qof oo ka mid ah xubnaha xisbiga iyo shan xubnood oo ka mid ah xisbiga League of Social Democrats.

Dadka la sheegay in la xiray waxaa ka mid ah Joshua Wong, oo ah hogaamiyaha daladda dhaqdhaqaaqa dibadbaxyda.

BBC

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM