​Hogaamiyihii Mucaaradka Congo oo geeriyooday

Image

Hogaamiyihii Xisbiga Mucaaradka dalka Congo, Etienne Tshisekedi ayaa geeriyooday isagoo arrimo caafimaad ugu maqan dalka Belgium gaar ahaan magaalada Brussels.

Sida ay shaaciyeen Xisbiga UDSP, Etienne ayaa muddooyinkii dambe sheeganayay xunuuno kala duwan.

Ninkan oo da'diisu ahayd 85 sano ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Congo, kadib markii uu aas-aas xisbigaas Sideetameeyadii.

UDSP, ayaa Mudane Etienne ku mucaaraday kaligii taliyihii hore ee dalkaasi Mobutu Sese Seko, kaasoo muddo dheer soo xakumayey dalka Kongo oo barigaasi loogu yeeri jiray Zaire.

Shisekedi oo marar kale duwan Ra’isulwasaare usoo noqday madaxweyne Mobutu Sese Seko ayaa in mudda ahba ku noolaa dalka dibadiisa ka hor inta uusan dib ugu laaban Conggo bishii July ee sanadki hore.

Dhimashadiisa ayaa hadda kusoo aaday xilli uu waqti adag ku jiro dalka Congo oo ay mucaaradku ku riixayaan madaxweyne Joseph Kabila inuu iscasilo kadib marki ay ku eedeeyeen inuu doorashadii dalkaasi ka dhacday musuq-maasuqay.

Madaxweynaha dalkaas iyo dhammaan siyaasiyiinta dalkaas ayaa tacsi u diray ehelka uu ka tagay waxayna ku tilmaameen halyeey Qaran oo dalka waxbadan usoo qabtay.

Wuxuu ku dhashay December 14, 1932 magaalo lagu magacaabo Belgian oo katirsan dalka Congo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM