Hogaanka dalalka xudunta u ahaa xiisada Khaliijka oo kulmay

Image
Imaaraatka Carabta ayaan wali soo celin xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Doha

ABU DHABI, UAE – Amiirka Qatar ayaa la kulmay hogaamiyaha Imaaraatka Carabta (UAE) xilli ay ka qayb galayeen ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee Beijing, waana markii ugu horeysay oo ay is dhexgalaan labada hogaamiye ee Khaliijka tan iyo markii uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyay Doha iyo afar wadan oo Carbeed sanadkii hore.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa la kulmay Dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, xilli ay ka qeyb galayeen qado uu sameeyay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping sida ay ku warantay wakaaladda wararka Qadar.

Shabakadda wararka ee Imaaraadka Carabta ee lagu magacaabo WAM ayaa sidoo kale baahisay muuqaal muujinaya labada hoggaamiye ee Khaliijka oo hadlaya.

Hogaamiyeyaasha Uzbekistan, Ecuador iyo Tajikistan ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa kulanka oo ka dhacay hoolka weyn ee shacabka ee magaalada Beijing, sida uu sheegay telefishinka Shiinaha ee CCTV.

Imaaraatka Carabta ayaan wali soo celin xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Doha tan iyo markii Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay ku heshiiyeen Janaayo 2021 in la soo afjaro khilaaf afar sano ah oo sababay in ay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale u jaraan Qatar bartamihii 2017.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan Imaaraatka Carabta ayaa wadahadalo kula yeeshay hogaamiyaha Qatar Doha sannadkii hore - booqashadii ugu horreysay muddo afar sano ah - ka dib markii uu soo afjaray khilaafkii qadhaadhaa.

Lataliyaha Amniga Qaranka Imaaraadka Sheikh Tahnoun bin Zayed Al Nahyan, oo ah walaalka ah hogaamiyaha dhabta ah ee Imaaraadka, ayaa la kulmay Sheikh Tamim bishii Ogosto.

Sacuudiga iyo Masar ayaa sanadkii hore safiiro u magacaabay dalka Qatar. Dhammaan marka laga reebo Bahrain waxay soo celiyeen xiriirkii safarka iyo ganacsiga.

Khilaafkan ayaa ka dhashay cabashooyin ku saabsan siyaasadda dibadda ee Qatar oo ay ku jirto xiriir dhow oo ay la leedahay Iran, Turkiga iyo sidoo kale warbixino uu baahiyay telefashinka Al Jazeera oo laga leeyahay Doha.

Imaaraatka Carabta, oo hoos imaanaya siyaasad dibadeed oo dhexdhexaadin ah oo ay hogaaminayaan mudnaanta dhaqaalaha, ayaa hadda la macaamilaya Tehran iyo Ankara labadaba ka dib sannado badan oo xiriirkoodu xumaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM