Hub loo wadey Kurdishka Syria oo gacanta u galay kooxda IS

Image

October 22, 2014 (GO)-  Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay baarayso muuqaal lagu baahiyey internetka oo muujinaya dagaal-yahanno ka tirsan kooxda IS oo haysta sanduuq ay ku jiraan hub iyo rasaas loo malaynayo inay kamid yihiin 27 bundadood oo hub fudud, rasaas iyo daawooyin isugu jira, kuwaasoo diyaaradaha Maraykanku labo maalmood kahor hawada uga daadiyeen dagaal-yahannada Kurdishka ah ee difaacanaya magaalada  Kobone ee dalka Syria.

Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Maraykanka (Pentagon-ka) John Kirby,  oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan saanaddaasi sidii loogu talo galay u gaartay halkii horay loo qorsheeyey in la gaarsiyo, marka laga reebo hal bundad oo luntay taasoo markii dambena la burburiyey si aysan ugu dhicin gacanta cadowga, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kooxo madax bannaan oo u ololeeya xuquuqda dadka Syria ayaa iyaguna xaqiijiyey in mintidiinta xagjirka ahi gacanta ku dhigeen qayb kamid ah saanaddii loogu tala galay in la gaarsiiyo dagaal-yahannada Kurdhishka.

Kahor intaan Maraykanku hubka iyo rasaasta gaarsiin dagaal-yahannada Kurdishka, waxaa jirey walaac xoogan oo xulafadiisu ka muujiyeen in hubkaasi gacanta u galo kooxda IS oo iyadu qarka u saaran inay la wareegto magaalada Kobane.

Magaalada Kobane oo ku taalla xadka u dhexeeya dalalka Syria iyo Turkey waxaa muddo todobaadyo ah go'doon ku haya kooxda xagjirka ah ee IS, arintaasoo keentay in tobannaan kun oo qof oo dumar iyo caruur u badani magaaladaas ka barakacaan. Dadka ka cararay dagaallada ka soconaya Kobane waxay qaxooti ahaan isaga dhiibeen dalka Turkiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM