​ICJ oo dhagaysanaysa dacwadda biyaha Kenya iyo Somalia

Image

Maxkamada Caalamiga ah Cadaalada QM (ICJ), ayaa Khamiista soo socoto la filayaa inay u fariisato dhageysiga Dacwadda la xiriirta muranka ka taagan xuduud badda Somalia iyo Kenya.

Maxkamada ICJ ayaa markii ugu horeysay dhageysatay Kiiska Muranka Badda Bishii September 2016, iyadoo labada dal ugu qeyb galeen Xeer-ilaaliyaashooda qaranka.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya Prof Githu Muigai ayaa sheegay in isaga oo hogaaminaya wafdi ballaaran ay ku wajahan yihiin magaalada Hague, ee dalka Holland.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in isna uu tagayo magaalada Hague, si uu uga qeybgalo dhaageysiga Dacwadda.

August 28, 2014, Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka badda u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey si loo xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa September 2016 codsatay in la joojiyo dhagaysiga kiiska kusaabsan muranka badda, sidoo kalena labada dalka si gaar ah uga hadlaan khilaafka.

April 7, 2009, Kenya iyo Dowladdii KGM ahayd ee Somalia, ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Balse dhagaysigan ayaa kusoo aaday xilli dalka Somalia ay ka socoto doorashada Madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 24 murashax oo qaybtood kamid yihiin raggii kiiskaas lagu eedaynayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM