ICJ oo u kala dab-qaadeysa Iiraan iyo Mareykanka
NEW YORK, USA – Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii waxay sheegtay in ay awood u leedahay in ay go’aan ka gaarto dalabka uga yimid Iiraan ee ku aadan in ay meesha ka saarto cunaqabateynta waddanka Mareykanka taasoo uu dib u soo rogay maamulkii madaxweyne Donald Trump.
Bishii July 18-keeda sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii xukuumadda Tehran ay gudbisay dacwadda iyadda oo ku doodeysay in aysan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah ee badbaada dadka aan waxba galabsan.
Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ, Axdiga Xiriirka Dhaqaalaha, Saaxiibtinimada iyo Xuquuqda Qunsuliyada.
Iran ayaa waxay weydiisatay ICJ seddex sano ka hor inay ku amarto Mareykanka inuu cunaqabateynta ka qaado Tehran.
Dacwadda ayaa ku doodaysa in go’aanka maamulka Trump uu jebinayo heshiiskii Amity ee 1955 ee dhexmaray Tehran iyo Washington.
Laakiin Washington waxay ku adkaysatay in ICJ aysan awood u lahayn inay ku xukunto Mareykanka in uu laalo cunaqabateynta.
Xukunka ugu dambeeya ee maxkamaddu ka gaadho khilaafka ayaa wuxuu qaadan karaa bilo ama sannado.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Javad Zarif ayaa amaanay go’aanka maxkamada ICJ isagoo ku tilmaamay "guul kale oo sharci ah oo Iran gaartay".
"ICJ waxay diidday dhammaan diidmadii hordhaca ahayd ee Mareykanka ee kiiska ay Iiraan ka keentay cunaqabateynta sharci darrada ah ee Mareykanka," ayuu Zarif ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo ku boorriyay "Mareykanka inuu la yimaado xoreynta waajibaadka caalamiga ah."
Maamulka Trump wuxuu dib u soo celiyey cunaqabatayntii dhaqaale ee saarneyd Iran halka uu Maraykanka kala baxay Qorshihii Wadajirka ahaa ee Waxqabadka Wadajirka ahaa ee 2015 (JCPOA), oo sidoo kale loo yaqaan heshiiskii nukliyeerka Iran, ee shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay iyo Jarmalka ay la galeen Iran.
Heshiiska ayaa wuxuu sababay in Tehran ay si lama filaan ah u ogolaatay in ay hoos u dhigto barnaamijyadeeda horumarinta iyo kormeerka barnaamijkeeda nukliyeerka, waxaana ay ku bedalatay in laga qaado xayiraad ku kaceysa balaayiin dollar Mareykanka ah oo xukuumada Washington ay kusoo rogtey.
GAROWE ONLINE