IDLIB: 58 ruux oo ku dhintay weerar loo adeegsaday Kiimiko

Image

Ugu yaraan 58 ruux ayaa ku dhimatay dad kale ayaana ku dhaawacmay weerar laga shakiyay in kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ay jabhaduhu haystaan oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen koox la socota arrimahaas.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Khan Sheikhoun ee ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ama Suuriya ay sababeen in dad badan ay neefqabatoobaan.

Intaas ka dibna diyaarado dagaal ayaa duqeeyay rugo caafimaad oo lagu dawaynayay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii hore, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dooda.

Dawladda Suuriya ayaa si joogto ah u diida in ay isticmaasho hub kiimiko ka samaysan.

Haddii la xaqiijiyo in weerarkan kiimiko loo adeegsaday wuxuu noqon doonaa midkii ugu waxyeelada badnaa ee noociisa ah ee ka dhaca Suuriya tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billawday lix sano ka hor.

BBC

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM