Iiraan iyo Belgium oo is-dhaafsadey samafale iyo diblumaasi

Image
Maxaabiistan u kala xirnaa labada dal ayaa lagu eedeeyay basaasnimo iyo dambiyo heer qaran ah.

TEHRAN, Iiraan - Iiraan iyo Belgium-ka ayaa sii daayay shaqaale gargaar iyo diblumaasi ugu kala xirnaa dalal kale, siday u kala horreeyaan, kadib heshiis ay fududeysay Cummaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hossein Amirabdollahian ayaa sheegay Jimcihii in diblamaasi Iiraani ah Assadollah Assadi uu ku laabanayo dalkiisa, halka Ra'iisul wasaaraha Belgium Alexander De Croo uu sheegay in samafale Olivier Vandecasteele uu isna imaanayo Belgium.

Mar sii horreysay, wasaaradda arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa sheegtay in dadka la sii daayay laga soo daabulay Brussels iyo Tehran, lana geeyay caasimaddeeda Muscat, si ay ugu laabtaan dalalkooda.

Bishii Janaayo, Iran ayaa Vandecasteele ku xukuntay 40 sano oo xarig ah iyo 74 jeedal ka dib markii lagu helay dambi ah basaasnimo kadib maxkamadeyn albaabadu u xiranaayeen. Sidoo kale waxaa lagu ganaaxay $1 milyan.

Sannadkii 2021, Belgium waxay ku xukuntay Assadi inuu qorsheynayay weerar bambaano oo lala beegsaday koox mucaarid ah oo Iiraaniyiin ah oo dibad joog ku ah Faransiiska. Maxkamada ayaa ku xukuntay 20 sano oo xarig ah.

Sirdoonka Belgian ayaa ku tilmaamay inuu yahay sarkaal ka tirsan wasaaradda sirdoonka iyo amniga Iran oo si qarsoodi ah uga howlgalayay safaaradda Iran ee Austria. Iran ayaa diiday eedeynta loo jeediyay Assadi.

Iran ayaa xabsiga dhigtay dhowr qof oo ajaaniib ah iyo qaar haysta labo dhalasho ah muddo sanado ah, iyadoo ku eedeysay basaasnimo ama dambiyo kale oo amniga qaranka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM