Iiraan oo "burburisay" shabakad ka tirsan sirdoonka Ingiriiska

Image
Xukuumadda Tehran ayaa daaha ka rogtey in "shaqsiyaadkan ay ku lug lahaayeen "hurinta rabshado".

TEHRAN, Iiraan - Ciidamadda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay burburiyeen "shabakad abaabulan" oo xiriir la lahayd hay'adda sirdoonka Britain, iyagoo xiray toddobo qof oo ay ku jiraan laba haystay laba dhalasho.

Waaxda xiriirka dadweynaha ee IRGC ee ku taal koonfur bari ee gobolka Kerman ayaa warisay in todobada qof ay "hogaaminayaan mudaaharaadyada" gobolka ugu weyn ee dalka.

IRGC ayaa intaas ku dartey in shabakadan ay "si toos ah ugu hogaansameen canaasiirta England" ayna ku lug lahaayeen "hagajinta shirqoolada qaran-dumiska" inta lagu guda jiro mudaaharaadyada.

Iran ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka socday dibad baxyo ballaran oo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini oo 22 jir ah oo lagu dilay gacanta booliska anshaxa ee dalkaas bartamihii bishii September.

Ugu yaraan 200 ayaa ku dhintay qalalaasaha socday bilihii la soo dhaafay, oo ay hareeyeen rabshado, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iran, in kasta oo kooxaha xuquuqda aadanaha ee fadhigoodu yahay dibadda ay tirada dhimashada ku sheegeen in ka badan 450.

Wadamada reer galbeedka, oo ay ku jirto UK, ayaa Iran ku soo rogay cunaqabatayn la xiriirta xuquuqul insaanka, iyaga oo ku eedeeyay saraakiisha Iran "jirdil iyo caburin ka dhanka ah dibadbaxayaasha ka soo horjeeda dawladda".

Xukuumadda Tehran ayaa dhankeeda ku eedaysay dalalkan inay "hurinayaan qalalaasaha" dalkaas bilihii la soo dhaafay iyaga oo taageeraya waxa ay ugu yeertay "rabshado". Eedaha ayaanan si madax-banaan loo xaqiijin karin kuna saleysan siyaasad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM