Iiraan oo daldashay nin lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogo

Image
Saddexda nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Shahab Mansournasab, Samad Geravand iyo Siciid Geravand.

TEHRAN, iiraan - Iiraan ayaa daldashay saddex qof oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogo iyadoo ay sii socoto dhaleeceynta loo jeedinayo hab-dhaqankeeda ku wajahan fulinta iyo xukunada ciqaabta dilka ah ee kordhay.

Saddexda nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Shahab Mansournasab, Samad Geravand iyo Siciid Geravand, ayaa la daldalay ka dib markii la sheegay in lagu qabtey in ka badan 39 kiiloogaraam (86 rodol) oo ah Heroin.

Sida uu sheegay mareegaha rasmiga ah ee garsoorka Iiraan, raggan waxaa la toogtey ka dib markii ay qirteen inay qorsheynayeen inay daroogooyinka ku iibiyaan caasimadda Tehran.

Sharciga Iran ayaa dhigaya in qof kasta oo haysta in ka badan 30 garaam (1wiqiyadood) oo heroin ah uu muteysto ciqaab dil ah iyo in inta badan hantidiisa la qabto.

Warkan ayaa imaanaya hal maalin kadib markii garsoorka Iran uu ku dhawaaqay in uu dil toogasho ah ku fuliyay nin magaciisa lagu sheegay Shahrouz “Alex” Sokhanvari kaas oo lagu eedeeyay in uu maamuli jiray shabakad dadka ka ganacsata.

Jimcihii, Iran waxa ay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo lala xiriiriyey kiis ku saabsan mudaaharaadyadii ka qarxay waddanka guud ahaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Banaanbaxyada ayaa dilaacay kadib markii ay bishii Sebtembar xabsi ku dhex-dhimatay Mahsa Amini, oo ah haweeney 22 jir ah oo ay xireen booliiska akhlaaqda oo ku eedeeyay eedeeyay in aysan u hoggaansamin amar qasab ah oo ku saabsan xeerka lebbiska.

Raggan ayaa la daldalay ka dib markii lagu helay dambi ah "Moharebeh" ama "dagaal ka dhan ah Alle" iyo dambi ah inay dileen sarkaal booliis ah iyo laba xubnood oo ka tirsan kooxda Basij markii ay rabshaduhu socdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM