Iiraan oo danjire cusub u magacaabatay Sacuudi Carabiya

Image
Dhex-dhexaadin wadanka Shiinuhu uu garwadeen ka ahaa ayaa dhashay in labadaan dal ay isku soo dhawaadaan.

TEHRAN, Iiraan - Wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay safiir u magacawday wadanka Sucuudiga, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Cali Ridaa Cinaayati ayaa noqonaya safiirka cusub ee Iiraan u fadhin doona wadanka Sucuudiga kadib markii dhawaan labada wadan ay ku heshiiyeen in xiriirka diblamaasiyadeed ay dib u bilaabaan.

Cinaayati ayaa horey usoo noqday kaaliyaha wasiirka Arimaha dibada ee Iiraan isaga oo sidoo kale soo noqday agaasimaha qaybta dalalka khaliijka ee wasaarada Arimaha dibada Iiraan.

Diblamaasigaan ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro Sucuudiga iyada oo sidoo kale Boqortooyada Sucuudiguna ay dib u bilaabi doonto shaqada xarumaheeda Iiraan.

Dhex-dhexaadin wadanka Shiinuhu uu garwadeen ka ahaa ayaa dhashay in labadaan dal oo muddo xurguf dublamaasiyadeed u dhaxaysay ay isku soo dhawaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM