Iiraan oo diidey in ay danjire cusub u magacowdo Sweden

Image
Booliska Sweden ayaa todobaadkii hore ku soo oogay dacwad ninkan.

TEHRAN, Iiraan - Dowladda Iran ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Stockholm.

Qaxooti asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa ku gubay kitaabka quraanka kariimka ah ee Muslimiinta maalintii 1-aad ee Ciidul Adxaa bannaanka masjidka.

Booliska Sweden ayaa todobaadkii hore ku soo oogay dacwad ninkan. Balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa ku eedeeyay dowladda Sweden inay siisay ogolaanshaha mudaaharaadka.

Qorshe lagu gubayo kitaabka qur’aanka kariimka ah ayaa bilihii lasoo dhaafay rabshado ka dhaliyaySweden. Booliiska ayaa diiday codsiyo la mid ah mudaaharaa, laakiin maxkamadaha ayaa go'aamiyay in loo ogolaado sababo xorriyadda hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM