Iiraan oo duqaysay safaaradda Maraykanka ee Erbil
TEHRAN, Iran – Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarrada gantaallada ballistic-ga ah ee lagu weeraray caasimadda gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq ee Erbil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.
Saraakiisha IRGC ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay bartilmaameedsadeen "xarunta istiraatiijiga ah" ee Israa'iil ku leedahay dalkaas. "Weerar kasta oo soo noqnoqda oo Israa'iil ah waxaa lagala kulmi doonaa jawaab adag, go'aan adag iyo burburin," ayaa lagu yiri bayaanka.
Israa'iil ayaa horaantii todobaadkan ku dishay laba xubnood oo Iranian ah oo ka tirsan kooxda IRGC ee dalka Suuriya, oo saaxiib dhow la ah Tehran.
Goor sii horreysay, saraakiisha Kurdiyiinta ayaa sheegay in toban gantaal oo ballistic ah oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq ay ku soo dheceen gobolka, iyadoo guddoomiyaha Erbil, Omed Khoshnaw uu u sheegay warbaahinta maxalliga ah Rudaw inuu jiro weerar argagixiso oo ka dhan ah Qunsuliyadda Mareykanka.
Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Kurdiyiinta, gantaallada ayaa waxyeello muuqda u geystay dhismaha cusub ee qunsuliyadda waxaana ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerarkan "weerar aad u fool xun" balse wuxuu sheegay in aysan jirin dad Mareykan ah oo waxyeelo kasoo gaartay, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray xarumaha dowladda Mareykanka ee Erbil.
TV-ga qaranka Ciraaq oo soo xiganaya ciidamada ismaamulka Kurdiyiinta ee ka dagaalama Ciraaq ayaa sheegay in 12 gantaal oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq ay ku dhaceen Erbil.
Masrour Barzani, oo ah Ra'iisul Wasaaraha Waqooyiga Ciraaq ee Kurdiyiinta (KRG) ayaa cambaareeyay weerarka.
Qoraal uu soo dhigay barta rasmiga ah ee KRG ee Twitter-ka, Barzani wuxuu yiri: “Erbil uma sujuudi doono fulayga. Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday dhowr meelood oo Erbil ah.”
Ciidamada Maraykanka ee fadhigoodu yahay garoonka caalamiga ah ee Erbil ayaa dhowr jeer oo hore la kulmay weeraro gantaallo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn oo ay saraakiisha Maraykanku ku eedeeyaan kooxaha hubaysan ee Iran taabacsan, balse ma dhicin weeraro noocan oo kale ah dhowr bilood.
Markii ugu dambeysay ee gantaalada balaastikada ah lagu hago ciidamada Mareykanka waxay ahayd Janaayo 2020 - aargudasho Irani ah oo ku saabsan dilkii Mareykanka horaantii sanadkaas lagu dilay taliyihii militariga Qassem Soleimani ee garoonka diyaaradaha Baghdad.
GAROWE ONLINE