Iiraan oo shuruud ku xirtey heshiis laga gaaro Nukliyeerka

Image
Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli wadaxaajoodyadda lagu soo nooleynayo heshiiska ay bilowdeen.

WASHINGTON, USA - Diblumaasiga ugu sarreeya Iran ayaa sheegay in dedaalada dib loogu soo noolaynayo heshiiskii nukliyeerka ee dalkiisa uu la galay quwadaha adduunka uu ahaa "mid la gaari karo" balse tani ay ku xiran tahay rabitaanka reer galbeedka.

Wasiirka arrimaha dibadda, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa Twitter-ka ku sheegay Khamiistii in wada-xaajoodyada ka socda caasimadda Austria ee Vienna ay si dhab ah u socdaan, isla markaana ka qaadista cunaqabateynta ay tahay “mudnaan aasaasi ah”.

Wadahadalladan oo ujeedkoodu ahaa in dib loo soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalamka ah -Britain, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Mareykanka - ayaa dib u billowday Isniintii ka dib markii Iran ay hakisay heshiiska bishii June ka dib doorashadii Madaxweyne Ebrahim Raisi.

Mareykanka, oo si keligiis ah uga baxay heshiiska sanadka markii uu ahaa 2018, ayaa kaliya uga qeyb galaya wadahadalada si aan toos ahayn ku adkeynta Iran awadeed.

Heshiiska ayaa waxaa soo wajahay cadaadis isa soo taraya tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka saaray Mareykanka oo uu ku soo rogay cunaqabateyn adag, taasoo keentay in Tehran ay jebiso xadka nukliyeerka ee heshiiska.

Dhanka kale, Iran, oo beenisay inay rabto inay hesho hubka nukliyeerka, ayaa si tartiib tartiib ah uga baxday ballanqaadkeedii tan iyo sanadkii 2019. Xukuumadda Tehran waxay hoosta ka xariiqdey in ay mar walba diyaar u tahay is-faham laga gaaro xayiraadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 09:39PM

Putin oo La Kulmay Al-Siisi oo ka qeybgalay Xuska Guusha Dagaalkii 2aad ee Adduunka

Dhanka kale, kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva, Putin ayaa uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Ruushka.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 03:46PM