Iiraan oo shuruud ku xirtey heshiis laga gaaro Nukliyeerka

Image
Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli wadaxaajoodyadda lagu soo nooleynayo heshiiska ay bilowdeen.

WASHINGTON, USA - Diblumaasiga ugu sarreeya Iran ayaa sheegay in dedaalada dib loogu soo noolaynayo heshiiskii nukliyeerka ee dalkiisa uu la galay quwadaha adduunka uu ahaa "mid la gaari karo" balse tani ay ku xiran tahay rabitaanka reer galbeedka.

Wasiirka arrimaha dibadda, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa Twitter-ka ku sheegay Khamiistii in wada-xaajoodyada ka socda caasimadda Austria ee Vienna ay si dhab ah u socdaan, isla markaana ka qaadista cunaqabateynta ay tahay “mudnaan aasaasi ah”.

Wadahadalladan oo ujeedkoodu ahaa in dib loo soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalamka ah -Britain, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Mareykanka - ayaa dib u billowday Isniintii ka dib markii Iran ay hakisay heshiiska bishii June ka dib doorashadii Madaxweyne Ebrahim Raisi.

Mareykanka, oo si keligiis ah uga baxay heshiiska sanadka markii uu ahaa 2018, ayaa kaliya uga qeyb galaya wadahadalada si aan toos ahayn ku adkeynta Iran awadeed.

Heshiiska ayaa waxaa soo wajahay cadaadis isa soo taraya tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka saaray Mareykanka oo uu ku soo rogay cunaqabateyn adag, taasoo keentay in Tehran ay jebiso xadka nukliyeerka ee heshiiska.

Dhanka kale, Iran, oo beenisay inay rabto inay hesho hubka nukliyeerka, ayaa si tartiib tartiib ah uga baxday ballanqaadkeedii tan iyo sanadkii 2019. Xukuumadda Tehran waxay hoosta ka xariiqdey in ay mar walba diyaar u tahay is-faham laga gaaro xayiraadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM