Iiraan oo xayiraad saartey ciyaaryahan taageeray mudaaharadyo

Image
Dukumiintiyo la helay ayaa daaha ka qaadey in sirdoonka Tehran ay dabagal ku hayeen Ali Karimi.

TEHRAN, Iran - Iran ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay ciyaaryahan kubadda cagta Ali Karimi, xaaskiisa iyo qoyskeeda sababo ku aadan in uu ka qeybgalay mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday ee dhowaan dhacay.

Mr Karimi oo wali aan caddeyn mowqifkiisa go'aankan ayaa kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee caan ah oo si kulul u naqdiyay howlgalkii lagu dilay mudaaharaadyadii dhacay bishii Sebtembar.

Ciyaaryahanka oo loo yaqaanay Maradona of Asia, waxa uu ku noolaa Imaaraadka xilligaas. Go'aanka xayiraadda lagu saarey waxa uu si weyn usoo jiitay warbaahinta caalamka.

Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay dhimashada haweeney Kurdish ah oo u dhalatay dalka Iran. Reer galbeedka ayaa geerida haweeneydan u adeegsadey aalad siyaasadeed.

Mahsa Amini, oo 22 jir ah, ayaa dhimatay ka dib markii la sheegay inay garaaceen booliska anshaxa oo u xiray wax ay ku sheegeen inay ku guuldareysatay inay si fiican u xirato xijaabka.

Mudaaharaadyada ayaa ku fiday dalka oo dhan, balse si xoog leh ayaa loo xakameeyay. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen ugu yaraan 530 qof oo mudaaharaadayaal ah - oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​70 carruur ah - tan iyo markii ay mudaaharaadyadu billowdeen.

Warqado oo ay ku calaamadsan tahay "in ay sir tahay" kuna taariikhaysan 24 Oktoobar 2022 ayay waaxda sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka Iran ugu wargalisay dacwad oogaha Tehran in "dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Karimi ay kicinayeen xaaskiisa Sahar Davari iyo qoyskeeda".

Dabayaaqadii 1980-meeyadii, Iran waxa ay dil toogasho ah ku fulisay Ms Davari aabaheed, Gholamali Davari, iyada oo lagu eedeeyay in ay xubin ka ahayd Xisbiga Tudeh ee Shuuciga ah. Waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada cirka Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM