Ilhaan Omar oo ka hadashay dagaalka Ukraine

Image

Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Minisota ee dalka Mareykanka, Ilhan Omar mar ay wareysi siineysay idaacada BBC-da laanteeda Afka soomaaliga ayaa ka hadashay arimo dhawr ah oo ku saabsan dagaaladda ka socdo dalka Ukraine

Saliida Ruushka

Ilhan Omar ayaa ka hadashay saliida uu dalka Mareykanka ka iibsan jiray dalka Ruushka oo haatan la doonayo in loo wareejiyo dhanka Sacuudiga.

Iyadoo arintan ka hadleysa ayay tiri, “Dad ayaa aaminsan in aanan Ruushka ka gadan saliida sababtoo ah waxa ay dagaal ku hayaan Ukraine, marka waxey rabaan in aan Sacuudi Carabiya ka gadano saliid badan, Sacuudigana waxuu dagaal ku hayaa dalka Yemen.”

Xildhibaanada oo ka hadleysay xasuuqa ay ciidamada Sacuudiga ka geysteen dalka Yemen ayaa tiri, “Marka aniga waxaan u fahansanahay haddii ay caaadi kula tahay in Sacuudi Carabiya aad saliid ka gadataan, ayagoo in ka badan 350,000 oo qof diley, 2,000,000 oo qaxooti ah barakiciyeen iyo 11,000 oo caruur ah dileen aad wali ka gadaneyso saliida, Ruushka oo dagaalkiisa mar dhaw bilawdayna aad dhaheyso kama gadaneyno taasi aniga waxey ila tahay wax aan la aqbali karin.”

“Waxaan aaminsanahay in sharcigeena quseeya arimaha dibadda noqdo mid aan is bad-badalin,” ayay sii raacisay.

Qaxootiga Afrikaanka ah ee ku cadiban Ukraine.

Ilhan Omar oo sidoo kale ka hadashay arigteeda ku aadan qaxootiga Afrikaanka ah ee ku cadiban dalka Ukraine ayaa sheegtay in dhalinyaro jaamacadaha dhigto oo joogay kuwaas oo ka kala yimid Afrika iyo Asia ay dowladda dalkaasi u diiday in ay ka baxaan dalka.

Ayada oo hadalka sii wadata ayay tiri, “waa muhiim in aan ka hadalno sababtoo ah qof kasta oo qaxaya oo raba in uu helo nolal fiican waa in uu fursad helo, ma ahan in qofka cadaanka bas ah fursad la siiyaa, hadda waxaan filayaa in dadka midab takoorka si fiican u fahmeen taasina ay keeni doonto  sharci fiican oo ku saabsan dadka soogalootiga ah.

Ilhan Omar ayaa lagu yaqaanaa in ay tahay qof aan marnaba la gaban fikirkeeda siyaasiga ah ee ku aadan cariga Mareykanka iyo guud ahaan caalamka. Waxa ay in badan dhaleeceysaa siyaasadda Mareykanka ee ku aadan habka uu u wajaho arimaha siyaasadda dibedda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM