Ilhaan oo qaylo dhaan kasoo saartay dagaal uu Mareykanka la galo Iran

Image

WASHINGTON, US – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag waxay kaga digtay dagaal fool ka fool ah oo Mareykanku la galo dowladda Iiraan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii milatariga Mareykanka weerar cirka ah uu ku dilay ninka labaad ee ugu awooda badan xukuumadda Tehran.

Jeneraal Qaasim Suleymaani ayaa lagu khaarijiyey duqeyn lagula beegsaday kolanyo wehlisay oo mareysay agagaarka garoonka Baqdaad.

Iyaddoo ka jawaabeysa cabsida laga qabo gacan ka hadal, Ilhaan oo kamid ah Aqalka Hoose ayaa sheegtay in golahoodu is hortaagi doono qorshe kasta.

"Waxaan is hortaagi doonaa talaabo kasta oo dibadeed oo suurtal ay tahay in uu bilowdo dagaal, iyaddoo Aqalka Hoose uusan ogolaan," ayay tiri.

Ilhaan, oo asal ahaan Soomaali kasoo jeeda, ayaa 2018-kii loo doortay kamid noqoashadda Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka.

Xildhibaanadan ayaa si aad ah uga soo horjeeda siyaasadda Trump, kaasoo dhowr jeer hadalo xanaf leh u mariyey bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Sidda laga soo xigtay qoraalkeeda, Ilhaan ayaa aad "uga carootay" in Trump uu amar ku bixiyo in la dilo Suleymaani.

Suleymaani ayaa tan iyo sanadkii 1997-dii ahaa taliyaha ciidamadda Quds, oo ah waaxda sirdoonka dibadda u qaabilsan Jamhuuriyadda Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM