Imaaraadka oo ka hadlay shaqaalaheeda la weeraray

Image

DUBIA - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarkii Argagaxiso ee Arbacadii lagu qaadey Shaqaalaha Hay'adeeda Bisha Cas uusan waxba u dhimaynin howlgalkeeda caawinta shacabka Somalia.

Wasaarada Arrimaha Dibadda UAE ayaa tilmaantay inay sii wadi doonaan gurmadka ay u fidinayaan dadka ay saamaysay abaarta ka jirta Somalia, kuwaasi oo u dhimayanaya gaajo, harraad iyo nafaqo darro.

"Argagaxisada nagama weecin doonaan inaan u gargaarno Shacabka Soomaaliyeed ee xilliga wajahaya abaarata, una baahan kaalmada bini'aadanimo," Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Waxay ku celisay UAE balan-qaadkeeda ah inay caawiso dowladda iyo Shacabka Somalia.

Wax khasaaro ah kama soo gaarin Shaqaalaha Bisha Cas ee Imaaraadka qaraxii miino ee Arbacadii lagu qaadey Kolonyo ay la socdeen oo ka baxay Muqdishu, kuna jeeday Barakacayaasha duleedka Muqdishu.

Safiirka Somalia u fadhiya Imaaraadka Abdulkadir Al Hatimi ayaa ugu baaqay caalamka inay si deg deg ah gargaar bini'aadanimo u gaarsiiyaan Somalia, si loo badbaadiyo nolosha dadka ay ku dhufatay abaarta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM